|

Xukuumada Somaliland oo Ka qayb qaadanaysa Gurmadka Abaaraha ka jira Koonfurta Somaaliya.

Hargaysa -(MMedia)- Waxaa Maanta kulan  yeeshay Golaha wasiirada kaasi oo u hogaaminayay kusimaha Madaxwaynaha Somaaliland ahna madaxwayne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi ismail Saylic isagoo kulankaasi ahaa mid looga hadlayay danaha Somaaliland iyo sidoo Gurmad loogu fidin lahaa Dadka Somaalida ah ee Abaaruhu saamayn ta ku yeesheen.

Kulankan oo ahaa mid ay kasoo qayb  galeen wasiirada  iyadoo  lagu bilaabay sidii  dadka abaaruhu samayeen  wax loogu aban lahaa dood dheer kadib waxaa laysku af gartay in  la caawiyo dadkan  masiibada abaareed ay ku habsatay waxaana la qoondeeyay in ay somaliland kaalinteeda ka qaatadato.

sidoo kale kulanka ayaa ahaa mid  looga hadlayay arima badan oo ay abaartaasi u horayso waxaana sidoo kale la go’aamiyay in gudi loo saaro si ay u kuur galaan xaalada abaaraha iyadoo la magacaabay gudi kuwaasi oo la maray in ay soo ogaadaan kaalinta ay kaga aadan tahay Somaaliland cawinta dadka ay abaartu samayasay.

Madaxwayne kuxigeenka ahna kusimaha Madaxwaynaha Somaliland C/raxmaan saylici ayaa  isna sheegay in ay markasataba ka qayb qaadanayso Somaliland caawinta dadka tabaalaysan ee kunool meelaha ay abaartu saamaysay.

Dhanka kale waxaa shirka lagu soo hadal qaaday Dekeda Berbera iyadoo la shaacayay in dekeda berbera ay soo mari karaan raaashinka ama deeqda loo wado Somaaliya dadka abaartu ku samaysay waxaan  ay ahayd  go’aamadii shirka lagaga hadlayay iyadoo ay maanta ka dib  soo mari doonaan deeqaha u socda koonfurta somaaliya .

Wa markii ugu  horaysay oo ay Somaliland ka hadasho ama  sheegto inay caawin doonto dadka abaaruhu saameeyeen iyadoo ay  sheegatay in ay caawin doonto gurmadna u fidin doonto dadkaasi waxaana ay sidoo kale  u furtay in ay dekeda Berbera usoo maraan deeqaha loo wado,Abaaro  lixaadleh ayaa ka jira Somaaliya iyagoo wata macaluul dad badanina ay ku dhinteen taasina ay ka qayliyeen beesha caalamka iyo haayadaha deeqaha bixiya.

Maakhir Media Hargaysa.

webmaster@maakhir.net

Comments are closed