|

Cadami oo u Digay Maamul Goboleedka P/land

Hargaysa(MMedia)  Wasiirka wasaarada Gaashaan-dhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa sheegay ciidammadda Somaliland aanay u dul qaadan doonin gardarooyinka Ciidamada maamul goboleedka Puntland.

Wasiirku wuxuu cambaareeyay falkii Ciidamada Puntland ay ku weerareen wefti ka socday Somaliland oo uu hoggaaminayay Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

“Waxa la sugayaa oo arrintu ku mudan tahay imika Puntland nimankan ay hayaan waxay ahaayeen shaqaale dawladeed oo adeeg bulsho fulinayay oo deegaanka u dhashay ooh ore u tagi jiray oo aanay meeshu ka caaganayn ayay ahaayeen,”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami.

Wasiirka Gaashaan-dhigu waxa uu sheegay in jawiga Somaliland iyo Puntland beryahan dambe soo hagaagayay hase yeeshee arrintani ay fajiciso ku noqotay waxaanu yidhi “Maalmahan u dambeeyay jawiga lagu jiray iyo soo dayntii markabkii la afduubay arrimahaasi marka la eego jawi soo hagaagaya ayuu xidhiidhku u ekaa. Markaa arrintani fajiciso gaar ah ayay nagu noqotay.”

Md, Axmed Xaaji Cali Cadami oo caawa u waramayay Telefishanka madaxa banaan ee Horn cable, waxa la weydiiyay inay suurto gal tahay in ciidammada qaranka Somaliland ay tallaabo milatari oo aargoosi ah ay ka qaadaan Puntland waxaanu ku jawaabay “Waxa weeye Ciidanku wixii meel ka dhac ah ee qadaf ku ah ummaddiisa cabsi gelinaya iyo wixii cago juglayn u muuqan kara u dul qaadan maayaan.”

“Talaabo kasta oo la qaadaana waxay leedahay talaabadeeda, talaabadan imika dhacday waanu ka xun nahay sidaanu uga xun nahayna waa la gaadhsiiyay Puntland, waajib baanay nagu tahay difaaca karaamadda ummadda iyo dalka. Ciidankuna daawadeyaal ma noqonayaan,”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaan-dhigu.

Wasiirka Gaashaan-dhigu waxa uu sheegay in arrintani ay shaki hor leh soo kala dhex gelinayso Somaliland iyo maamul goboleedka P/land.

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed