Dagaal kooban oo caawa ku dhexmaray Dhoobley Ciidamada DKGM iyo kuwa Raaskambooni
Dhoobley(MMedia) Wararka caawa ka laga helayo magaalada Dhoobley ayaa sheegaya in dagaal aan sii buurayn caawa fiidkii ku dhex maray Dhoobley ciidamo ka kala tirsan Raaskambooni iyo kuwa Dowlada. Dagaalkan oo inta la ogyahay hal qof ku dhintay mid kalana ku dhaawacmay ayaa ka dhacay saldhiga booliska ee Dagmada.
Qof xog ogaal ah oo ku sugan Dhoobley ayaa Kismaayonews u sheegay in rag hubaysan oo ka tirsan kuwa Dowladu weerar lama filaan ah kusoo qaadeen saldhiga oo ay joogeen Kaambooni si ay usoo daayaan rag iyaga ka tirsan oo maanta galinkii hore lagasoo qabtay isbaaro u tiilay magaalada afaafkeeda.
Ciidan ka tirsan xarakada Kaambooni ayaa saaka xoog ku kala eryay koox ka tirsan ciidanka Dowlada oo iyagu bar koontarool dhigtay duleedka magaalda ee dhinaca Diif, halkaasoo qaar ka mid ah lasoo qabtay laguna xiray jeelka Dagmada.
Lama sheegin in raga weerarka caawa soo qaaday ku guulaysteen inay sii daayaan maxaabiista iyo in kale, waxaana la sheegayaa in jawiga caawa yara kacsanyahay walow ay socoto waan waan iyo dadaal badan oo ay wadaan saraakiisha labada dhan si arinta loo xakameeyo.
Dad badan ayaa walaac ka muujinaya sida ciidamadan huwanta ah ee maamulka Dhoobley ku heshiin waayay ugu suura gali karto inay gobalka Shabaab ka xoreeyaan, kadibna maamul wadaag uga samayn doonaan.
Maakhir Media Muqdisho
