|

Ciidamada Dowlada oo Siyar Ugu Fidaya Xafaadaha Magaalada Muqdisho+Sawiro

Muqdisho(MMedia) Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo is kaashanaya ayaa si tartiib tartiib isugu fidinaya deegaanada Waqooyiga Muqdisho, halkaasoo markii u horeysay muddo labo sano ah ay dadka bilaabeen inay dib ugu laabtaan guryahooda oo ay horay uga qaxeen.

Degmooyinka Kaaraan, C/casiis iyo Boondheere ayay dadka dib ugu laabanayaan, kuwaasoo aad ugu faraxsan, hase ahaatee xaafadahaas ayaa noqday meel Keyn ah oo dhir badan ay ceegaagto, sidoo kale waxaa bur bur xoog leh laga dareemayaa guryaha iyo dhismayaasha.

Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa saldhigtay Dugsigii Maxamuud Axmed Cali iyo Daarta Sanca oo ay koreen, waxay Ciidamada sii galeen Xaafada SII SII, halkaas oo maanta Saraakiil Ciidan iyo Xildhibaano saxaafada kula hadleen.

Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-Badan ayaa sheegay inay sii socon doonaan Ciidamada ilaa MUqdisho oo idil ay gacanta ku dhigeen.

Saraakiisha Ciidamada xooga dalka ayaa ku wareejiyay ammaanka deegaanada maanta ay gaareen Ciidamada Saraakiisha Booliska.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir G/sare Axmed Xasan Maalin oo dadweyne kula hadlay Xaafada Sanca ayaa sheegay in loo baahan yahay inay la shaqeeyaan shacabka, isla markaana soo sheegaan dadka maleegaya falalka ammaan darada.

Ciidamada Dowladda ayaa ahaa kuwo ku sii siqaya Isgoyska Fagax iyo Hotelkii Lafweyn, halkaasoo ay si taxadar leh ay ugu sii dhowaanayeen.

Dhinaca kale Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Dayniile, sida Gubta iyo Ciise Cabdi, waxay galeen Ciidamada Xero Jarmal, Xaruntii Idaacada Horn Afrik iyo Xaafado kale oo dhinac waqooyi ka xigay Jidka Warshadaha.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed