Madaxweyne Najaad “Waxaan Somaaliya ugu Deeqaynaa 25-Malyan oo Doollar dadka abaaruhu sameyen
Tahran-(MMedia)-Madaxweynaha dalka Iran Max’ud Axmed Najaad oo la hadlayay Golihiisa wariirada ayaa waxa uu sheegay in dowladiisa ay ugu deeqeyso dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku saameeyeen Koofurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya lacag gaareysa 25-Milyan oo dollarka Mareykanka ah taasi oo ay ansixiyeen Golaha wasiirada.
Max’ud Axmed Najaad ayaa waxa uu ugu beeqay dadka u dhashay dalka Iran inay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in lacagahaasi wax loogu qabanayo Soomaalida ku tabaaleysan meelo badan oo ka mid ah wadanka.
Mr. Najaad ayaa waxa uu ku eedeeyey beesha Caalamka inay ka gaabisay wax u qabadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen oo uu sheegay inay kacaga jiidayaan sidii gar gaar ay u gaarsiin lahaayeen Umada Soomaaliyeed.
“Hadii maanta Qaramada Midoobay ay ansixin laheyd in weeraro baambaanooyin ah lagu qaado dalka Soomaaliya maalin gudaheed ayaa la weerari lahaa balse abaaraha ka jira dalka Soomaaliya mudo 6-bilood ayey ka ayay ka hadlayaan, waxaan ugu baaqaya inay joojiyaan duqeymaha dalka Libiya oo lacagaha ku baxaya loogu deeqo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen” sidaa waxaa yiri Madaxweynaha dalka Iran.
Beesha caalamka ayaa Somaaliya waxay ugu deeaysaa Macaawimo iyadoo ay Iran ay hada kahor somaliya ugu deeqday gaar gaar taasina ay siiyen dadka abaaruhu samaynta wayn ku yeesheen maantana waaka madaxwayne Najaad ugu deeqayo Somaaliya Lacag loogu tala galay dadka abaaruhu sameeyen.
Maakhir Media Tahran
