|

Rajab Dayib Ordugaan”Aniga iyo Eheladaydaa Qayb kamid ayaa Aadayna Somalia Gaar ahaan Muqdisho

Turkiga -(MMedia)- Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugaan oo Saxaafada kula hadlay dalkaasi ayaa waxa uu sheegay mar uu ka hadlayay baaraha ka jira wadanka Soomaaliya in isaga iyo qaar ka mid ah qoyskiisa ay soo booqon doonaan waqti dhow wadanka Soomaaliya gaar ahaan magaaalada Muqdisho si ay usoo eegeen xaalada dadka Soomaaliyeed oo ay abaartu saameysay.

“Aniga, wasiirkeyga arimaha dibadda iyo qaar ka mid ah qaarabadeyda waxaan booqaneena Soomaaliya si aan indhaha Caalamka ugu soo jeedino dhibaatada abaareed ee ka taagan Soomaaliya si wax looga qabto, waa ay yar yihiin Hogaamiyaasha Caalamka ee booqda Soomaaliya sababa la xiriira amaanka oo xun lakiin aniga taasi kama walaacsani” sidaasi waxaa yiri Ra’iisul wasaaraha dowladda Turkiga Mr.Ordugaan

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu sheegay inay aad u liidato xaalada dadka ay abaartu ku saamyesay wadamada geeska Afrika oo ay Soomaaliya ay ka mid tahay, waxaana uu shaaca ka qaaday inay booqashadooda ay tahay mid ay ku eegayaan xaalada nololeed ee ka jirta dalka Soomaaliya iyo sida wax looga qaban karo.

Maamlmo ka hor ayey aheed markii dowladda Turkiga shixnado gar-gaar oo dhan 50-tan  oo loogu tala galay dadka ay abaartu saameysay ay usoo dirtay magaalada Muqdisho, waxaana Turkiga ay qeyb ka tahay soona jeedisay Shirka Ururka Islaamka ay maalmaha soo aadan ay ka yeelanayaan abaaraha Soomaaliya kaasi oo ay ka qeyb galayaan 57-dowladooda.

Beesha caalamka ayaa si ada ugusoo qul qulaya Somaliya iyagoo u ukuur galaya xalaada abaareed e ka jirta konfurta dalka iyadoo ay sidoo kalena  ka bexeen kooxoo al shabaab oo laga casi abay in dadka masaakinta ah ee abaartu samaysay sidii wax lagu gaadhsiin lahaa balse maanta hadii ay ka bbaxday waxaa aduunaka oo dhan looga imanaya somaliya si gargaar loo gaadhisiiso.

Maakhir Media Turki

Comments are closed