Deganaashiyo Laga Dareemayo Magaalooyinka Uk Ka Dib Rabshado Maalmihii Ugu Danbeeyay Halkaas Ka Dhacayay+Sawiro
Waxa caadi ku soo noqday adeegii Magaalooyinka Uk ka dib markii Faratii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka dhacayeen Boob iyi Bililiqo loo gaysanayo dukaamada iibiya agabka kala duwan ayaa iminka u eeg in wax waliba caadigoodii kusoo laabanayaa
Magaalada London xalay waxba kama dhicin marka laga tago dhalinyaro waxoogaa tuur tuura ka gaystay xaafdaa Chelsia kuwaasoo dadka qaar ka qaadnayay waxay gacmaha ku sitaan waxaase faro baas lagu hayay Magaalooyinka Manchester.Birmingham,Liverpool,Westbromich.Wolverhampton iyo Tuulooyinka qaarkood kuwaasoo ay rabshado xoog ahi ka jireen
Inkastoo magaalooyinka W/wayn lagu daadiyay Boolis aad u tira badan hadana may ahayn kuwo laga dareemayo deganaashiyo waxaana la arkayay Raxan Raxan boolisa oo lugaynaya daafaha Dukaamada W/wayn ee laga adeegto waxaan dhinac socday diyaarado helicaptaro oo dusha ka ilaalinayay
Maayarka Magaalda London ayaa maanta warfidiyeenada u sheegay inaan la dhimi doonin Booliska oo hore dowlada wadaaga ahi u sheegaty in la dhimi doono kumanaan boolisa waxanay tani timi ka dib rabshadihii maalmihii ugu danbeeyay dhacayay oo la waayay boolis ka hortago xajmiga dhalintii rabshadaha samanaysa
Waxa kale oo warmurtiyeed soo saaray koox baadhitaan ku waday in wiilkii la toogtay ee rabshaduhu ka bilowdeen inaan loo hayn wax cadaynaya inuu toogashada ku horeeyay madaama boolisku sheegay in xabadu xagiis ka bilaabmatay waxaanay sheegeen baadhayaashaasi inaan lahayn wax huba uu sitay eedaysanaha la toogtay waxaana la helay qori yiilay xaga toogashadu ka dhacday meel u dhow
R/wasraaha ingriiska David Camaroon ayaa shalay sheegay inay ka hortegayaan rabshadahan iyagoo adeegsan doona awood saayida waana ta keentay in xaaladuhu caadigooda kusoo noqdeen waxaanad arkaysaa dumaakankii la boobay oo ay sawirayaan baadhayaasha ingirisku iminkana waxa lagu guda jiraa sidii loo ugaadhsan lahaa cid alaale iyo cidii ka qayb qaadataya rabshadahan oo loo arkay inay yihiin danbiilayaal cadaalada la horkeeni doono
Dhinaca kale waxa isasoo taraysa in rabshadaha loo qabqabtay dhalinyaro Soomaali ah kuwasoo ku kala sugan Magaalooyinka London,Bristol, iyo Birmingham waxana lala xidhiidhinayaa inay lug ku lee yihiin rabshadahan oo cabsi xoogan geliyay dadkuu ku noolaa uk
Waxa kale oo nadaafad laga bilaabay goobihii gubtay iyio kuwii la boobabay waxaana nadaafadan hormuud ka ah dad si mutadacwacnimo ku shaqaynaya waxaanad arkaysaa iyadoo laamiyada la xaaqayo qashinka iyo hadhaagii ka hadhay burburkii loo gaystay dukaamanka
Maakhir Media London




