Faah faahin ku saabsan Masuliyiintii Ka tirsanayd Somaliland oo ay ka xaysteen Puntland+Sawiro
Taleex -(MMdia)- Wafdi ay ka mid yihiin xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somaliland, ayna ku jireen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Sool, ayaa lagu weeraray meel u dhexaysa Taleex iyo Laas-Caanood.
Weerarka kadib ayaa wararku sheegayaan in kooxdii weerarka soo qaaday ay qabsadeen inta badan xubnihii wafdiga iyo baabuurta ay wateen.
Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali ayaa hoggaaminayay wafdiga la weeraray hase ahaatee isagu waa uu ka badbaaday inuu ka mid noqdo kooxda la kaxaystay.
Puntland si kale ayay arrintan u dhigtay iyagoo sheegaya in wafdigaasi ku soo xadgudbeen deegaannadooda ayna iska difaaceen. wasiirka warfaafinta ee Puntland, Axmed Cali Askar oo u waramayay Laanta fka somaliga ee BBC , ayaa arintaas Beeniyaya oo sheegay in ayWafdiga somaliland ay dulaan kusoo qaden isagoo sheegay in ay ku socdeen taleex taleexina tahay Goob ay ka taliso puntland wasiirka mar la waydiyay in ay xaaladu isu badali doonto qabiil waxana uu ku jawaabay in ay siyaasad tahay bale aanay waxba ka galin abiil .
Dhanka kale wararka ka imaanaya Garowe ayaa sheegaya in mid kamida dhawacii uu geeriyooday .
Saaka hiirtii waabari ayay ahayd markii ciidanka puntland ay weerarka soo qadeen hase ahaatee ay sheegen iyagu in ay wafdigga Somaliland ay weerar sooqaadeen.
Maakhir Media Taleex.
