Dagaal puntland iyo Somaliland ku dhex maray Taleex.+Sawiro
Garowe-(MMedia)-Waxaa saakay Waabarigii Ciidamo ka tirsan Daraawiishta puntland iyo ciidan somaliland ah Dagaal ku Dhex maray Meel aan ka fagooyn Dedmada taleex oo ka tirsan Gobolka sool iyadoona Dagaalkani uu ahaa mid Wakhti kooban soconayay mana jirto wax Dhimasho ah oo labad Dhinac soo kala gaaray hase yeeshee 4 nin oo ka tirsan ciidanka somaliland ayaa la soo Gaarsiiy Cusbitaalka guud ee magalada garowe halka maxaabiis gaaraysa 15 max buus iyo 4 gaari oo ah nooca looyaqaan saarufka gacanta ay ku soo Dhigayn daraawiishta puntland
Maxaamiista ay puntland Qabatay ayaa waxaa ka mid ah taliyihii aaga Gobolka sool ee somaliland Col. dhoodi,Gudoomiyihii maxkamada salaad cawar , xeer ilaaliyihii Gobolka sool
saciid cabdi cali iyo Gudoomiyhii waxbarshada sool ee somalaland maxamud cali cartan waxaana saxaafad uga Warbixiyay sida ay wax u dhaceen taliyaha ciidanka madaxtooyada puntland Col. Cumar C/laahi maxamed.a
Dhanka Kale Wararka ayaa sheegay in xildhibaan ka tirsan dawlada Somaliland oo lagu magacaabo Xildhibaan Saleebaan Koore kaasi oo hogaaminayay iyadoo isagu ka baxsaday kadib dagaalkii markii u dhacay ,wali wax wara kama soo bixin dhan ka somaaliland .
Dhawaan ayay ahayd marki ay wafdi wasiira ah oo ka tirsan puntland iyo Haayadaha QM ay booqdeen degmada Taleex Ee Gobolka Sool iyadoo ay halkaasi u adeen indha inay ku aadna xaalada degmada Taleex
Fadumo Abdirsak Awed
Maakhir Media Garowe
