|

Madaxweyne Shiikh Shariif “Waan U mahad celinaynaa Dawalada Tanzania Madama ay deeq Somalia ugu deeqday

Darasalam-(MMedia)-Madaxwayanah Somaaliya aya kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Tanzania iyagoo kawada hadlay danaaha iyo xaalada dalka  somaaliya.

Casho sharafta loo sameeyay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdigiisa marka ay soo idlaaday ayaa waxaa khudbad ka jeediyay halka casho sharafta loogu sameeyay oo ahayd xarunta madaxtooyada dalka Tansaaniya, waxa uuna madaxweynaha uu marka hore uga mahad celinayo dhiggiisa dalkaasi Jikaaya Kicwate sida diiran ee uu ugu soo dhaweeyay dalkiisa islamakaana uu u miijiyay sida au uga go’antahay in uu caawiyo dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda, madaxwayne Shariif ayaa mar kale uga mahad ceilay deeq ay dowladda Tansaaniya ugu talla gashay dadka Soomaaliyeed ay abaaharu saameyeen.

Madaxwayne Shariif ayaa ka hadlay inta ay khudbaddiisa socotay arrimaha ammaanka waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda FKMG ah ee Soomaaliya ay guullo ka gaartay howgalladii ugu dambeeyay ee ay ka fulisay magaalada Muqdisho, isagoo intaa ku daray laga adkaaday kooxda Shabaab iyo Ajaanibtii dagaalka ka waday guddaha Soomaaliya walina ay socdaan dadaalka ammaanka dalka oo dhan lagu sugayo.

Sidoo kale madaxwaynaha waxa uu ugu  baaqay caalamka in ay qaataan doorka kaga aadan taageyrida dowladda Soomaaliya gaar ahaan in laga caawiyo arrimaha abaaraha iyo in ay laba jibaaraan gurmadka Soomaaliya laga wado, waxa uu intaa ku daray in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo celin doono adeegyada bulshada maadaama ammaanka hormarka laga gaaray.

“waxaan doonayaa in sanadkan ay Soomaaliya nabad noqoto islamarkaana ay ka dhacdo doorasho xor ah waxaan rajeynayaa in ay ugu danbeyb doono wax dowladda ka hor imaada kooxda Shabaab dowladda Soomaaliyeedna waxay diyaar u tahay in ay caawiso dhalinyarada Soomaaliyeed ee mutacallimiinta” ayuu yiri madaxwaynaha Soomaaliya mudane Shariif Shiikh Axmed.

Madaxwaynaha Somaaliya ayaa shalay gaadhay wadanka Tanzania  isagoo halkaasian kulamo kal yeeshay dhigiisa dalkaasi waxaana uu uga mahad celiyay  deeqaha ay ugu deeqday somaaliya .

Maakhir Media Tanzania

Comments are closed