FAO”Waa in Si Deg dega la isugu yimaadaa Shir Somaaliya looga hadlayo Abaaraha ka jira
EThopia -(MMedia)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunada iyo beeraha ee FAO ayaa ku baaqday in la qabto kulan looga hadlayo abaaraha ka jira geeska Afrika gaar ahaan dalka Soomaaliya isbuuca soo socda kaasi oo ay kasoo qeyb galayaan Wadamada Deeq bixiyaasha kana dhici doono dalka Ethiopia.
Kulankaani aya la tilmaamay in uu furmi doono 18-ka bisha Augusta kaasi oo wadamada kasoo qeyb galaya looga codsan doono inay gar-gaar deg deg ay u fidiyaan 12-Milyan oo qof kuwaasi oo ay abaaruhu ku saameeyeen dalka Soomaaliya.
“Hay’adda FAO waxa ay ka walaacsantahay xaaladda abaaraha ee ka jira dalka Somaliya, hadii aan gar-gaar bini’aadanimo oo deg deg lala gaarin dadkaasi” sidaasi waxaa lagu sheegay Warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO.
Abaaro aad u daran ayaa ka jira wadanka somaaliya iyadoo ay Dad badanina ay u taag daran yihiin iyadoo ay macaluul badnina ka jirto koonfurta Somaalya.
Maakhir Media EThopia
