|

Madaxweynaha somaliland oo La Kulmay Madaxwenye xigeenka Itoobiya

Hargaysa(MMedia) Madaxtooyada Somaliland ayaa caawa ka hadashay kulankii maanta ay magaalada Addis ababa ku yeesheen weftigii madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Raysal Wasaare ku xigeenka dalka Itoobiya ahna wasiirka arrimaha dibada HAILEMARIAM DESALEGN.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu kaga hadlay qodobadii labada dhinac ka wada hadleen, waxaanu warsaxaafadeedkiisu u dhignaa sidan:-
“Weftigii uu hoggaaminaayo Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku sugan magaalada addis ababa waxa ay maanta kulan saacado qaatay la yesheen Ra’ isal wasaare ku xigeenka Ethiopia ahna Wasiirka Arrimaha Debeda ee dalkaasi Ethiopia Mr. HAILEMARIAM DESALEGN, ka dib markii uu Ra’iisal wasaare kuxigeenku booqasho sharafeed ugu yimid madaxweynaha Hoteel ka uu degan yahay ee Magaalada Addis ababa.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaare kuxigeenku waxa ay kulan koodaas ku soo qaadeen Arrimo dhawra oo dhamaantood la xidhiidha sii xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya labada wadan ee Ethiopia iyo Somaliland.

Qodobada kulanka lagaga wada hadlay waxa ay inta badan diirada lagu saaray arrimaha Nabad-gelyada, Ganacsiga, iyo isu socodka labada Shacbi ee labada wadan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Ra’iisal wasaare kuxigeenka uga mahad-naqay bookhashada uu ugu yimid halka uu degan yahay ee Hotel Sharaton Addis-ababa.

Sidaasi si la mid ahna Ra’iisal wasaare kuxigeenkuna waxa uu sheegay muhiimada ay u leedahay Dawlada Ethiopia Xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay dawlada Somaliland.

Madaxdu waxa ay kulankooda isla meel dhigeen in arrimo badan oo ay isku raaceen in la xoojiyo sida nabadgelyada iyo ganacsiga labadaba.

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa oo weli ku sugan kulamadii ay la yeelanayeen masuuliyiinta Ethiopia iyo Dublamaasiyiinta ku sugan Magaalada Addis-ababa waxa la filayaa isla maalinta beriya gelinka horena in uu madaxweynuhu la kulmo Dublamaasiyiinta u jooga Magaalada Addis ababa Dawladaha Waa-weyn qaarkood.”

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed