|

Taliska booliska ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay inay la wareegeen Suuqyada Bakaaraha iyagoo dhinaca

Muqdisho-(MMedia)-Taliye ku xigeenka Ciidamada booliska Soomaaliyeed Janaral C/xakiin Daahir Saciid oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen Saraakiisha sar sare ee Ciidanka booliska ah ayaa waxaa uu si wayn uga hadlay Xaaladda amaan ee Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in Ciidamada dowladda ay guulo ka gaareen dagaalladii ay la galeen Xarakada Al Shabaab.

Taliye ku xigeenka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada booliska ay la wareegeen gacan ku haynta Saldhigyo ay banaeeyeen Al Shabaab iyo Suuqyada waa wayn ee Magaalada Muqdisho sida Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad, wuxuuna tilmaamay in goobahaasi oo dhan la geeyay Ciidamo si wayn u suga amaanka kuwaasi oo uu tilmaamay inay yihiin kuwa lagu soo xulay dhinaca aqlaaqda iyo tababarada.

Kornel Max’ed Yuusuf Cumar (Madaalle) oo ka mid ah Saraakiisha booliska ee kulanka qaatay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada buliiska Soomaaliyeed ay yihiin lafdhabarta Ciidamada qaranka hase ahaatee waxaa uu xusay in booliska uusan haysan xuquuqdii aas aasiga u aheyd Ciidankaasi.

Kornel Madaalle ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Mas’uuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya looga baahanyahay inay qalabeeyaan Ciidamada booliska si ay u ilaaliyaan Xeebaha dalka Soomaaliya oo uu tibaaxay in iminka ay gacanta uga jirto kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu inta badan la wareegay goobaha Istaraatiijiyadda ah markii ay Ciidamada xooga qaranka Soomaaliyeed ay la wareegaan goobo hor leh oo gacanta uga jira Al Shabaab, waxaan tan iyo markii ,Al Shabaab ay faarujiyeen goobo muhiim u ahaa dhaqaaqooda isa sootarayay goobo hor leh oo lagu wareejinayo ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Al Shabab ayaa dhawaan ka baxday Goobaha ay iminka la wareegeen Dawalada iyadoo ay alshabab sanadihii ugu danbeeyay ay ku sugnaayen halkaasi iyagoo la dagaalamayay dawalda iyo ciidamada AMISOM .

Maakhir Media Muqdisho.

webmsater@maakhir.net

Comments are closed