|

Madaxwayne Shariif Ayaa Gaadhay Daarasalaam Caasimada Dalka Tanzania

Muqdisho-(MMedia)-  Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sh Axmad iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray Magaalada Daara salaam ee xarunta dalka Tanzaania halkaas oo lagu wado in ay wdahadallo  kula yeeshaan Madaxweynaha dalkaasi iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladdaTanzaania.

Madaxwayne Shariif ayaa lagu wadaa inuu caawa kulamo la yesho madaxda dalkaasi Tanzania gaar ahaan dhigiisa  isago kala hadli doona xaalada Somaaliya iyo sidi ay gacan uga gaysan lahaayeen Abaaraha ka jira Somaliya .

Madaxwayanaha DKMG ee Somaaliya ayaa ka Tagay Dalka Uganda kadib isgoo halkaasi kulamo la qaatay dhigiisa Dalkaasi waxaana uu kala hadlayay xaalda dalka iyo sidii ay Amaanka usii adkayn lahaayeen iyadoo sido kalena loogu balan qaaday in ciidamada muqdisho ee ugandiska ah la sii kordhiyo.

Maakhir Media Muqdisho.

Comments are closed