|

Rabshadhii London oo Kusii Fiday goobo Hor leh

London(MMedia) Rabshadaihii ka socda Magaalada london ayaa halkoodii kasii socda waxaanu shaagay Afgayeenka u hadlay booliska wadanka Britain ayaa waxaa uu sheegay in dhowr sarkaal oo boolis ah ay ku dhaawacmeen weerar ay dad cadhaysan ku qaadeen maanta oo sabti ah saldhigyo ciidan oo ku yaala magaalada Tottenham ee dalka britain.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in dad gaadhaya ilaa labo boqol oo dad cadhaysan ah ay dab qabadsiiyeen baabuur ay lahaayeen ciidamada booliska oo yaalay saldhigyada boolis ee weerarka lagu qaaday.

Dowlada ingiriiska ayaa u dirtay ciidamada rabshadaha ka ka hortaga goobta ay rabshadaha ka socdaan si ay uga hortagaan qasaaro hor leh oo soo gaara ciidamada booliska dalkaasi,kuwaasi oo la sheegay in ay ka danbeeyeen dil loo geestay khamiistii lasoo dhaafay nin dhalin yaro ah oo ku dhintay holwgalo ay ka samyeen booliks Britain magaalada london.

Maakhir Media London

Comments are closed