Diyaarad Gargaar U siday Dadka abaaruhu saameeyeen oo Muqdisho Ka degtay
Muqdisho(MMedia)Saddex diyaaradood oo wada gargaar kala duwan oo ay ku deeqday hay’adda qoxootiga dunida ee UNHCR ayaa maanta Muqdisho ka dagay, waxaana uu noqonayaa gargaarkii ugu horreeyay muddo shan sano ah oo ay hay’addan dhinaca hawada ku geyso Soomaaliya.
Deeqdan ayaa isugu jirta baco, bustayaal, caagagga biyaha lagu dhaansado, weelal raashinka lagu karsado iyo buskud nafaqeysan, sida ay sheegeen saraakiil ka tisran hay’adda, waxaana diyaaradaha gargaarka wada ay kasoo duuleen Dubai.
Afhayeenad u hadashay UNCHR ayaa sheegtay in gargaarka ay u qaybin doonaan dadka ku dhbaateysan Muqdisho, kuwaasoo kasoo barakacay abaaraha ku dhuftay gobollada koonfurta Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan in ku dhow 100,000 qof oo abaaraha ku dhuftay Koonfurta Soomaaliya kasoo barakacay, kuwaasoo xaalado kala duwan oo ay macluuli ka mid tahay ay ku haystaan kaamamka ku yaalla Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay gargaarkan gaarsiiso dadka u baahan, iyadoo saraakiisha hay’addu ay xuseen inay buskutka nafaqeysan loogu talogalay in lagu soo celiyo jirka haweenka iyo caruurta ay macluushu ku habsatay.
Hay’adda UNICEF ayaa bishii hore gargaar noocan oo kale ah ka dajisay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ay raashin gargaar ah dhinaca hawada ku keentay Muqdisho hay’adda WFP.
Maakhir Media Muqdisho
