Dowlada KMG soomaaliya oo guul Ka sheegatay Dagaalkii Luuq Maanta Ka dhacay
Gedo(MMedia) Saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaal xalay magaalada Luuq ay kula galeen Xarakada Al Shabaab.
Kadib markii xalay dagaal xoogan oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac duleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa dagaalkaasi ka hadlay Saraakiisha Ciidaamada dowladda ee degmad Luuq.
Diyaal Cabdi Kaliil oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda ee degmada Luuq oo waraysi siiya Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in xalay Ciidamo ka mid ah Al Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen duleedka degmada Luuq, isagoo tilmaamay inay ka hortageen weerarkaasi oo ay iska difaaceen sida uu hadalka u dhigay.
Sarkaalkaasi ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in Ciidamada Al Shabaab ay kaga dileen dagaalkaasi ilaa 15-dagaalyahano oo ka tirsan Al Shabaab, hase ahaatee ma’uusan sheegin wax qasaaro ah oo dhinacooda soo gaaray.
Diyaad Cabid Kaliil oo hadaliisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in tallaabo ay ka qaadi doonaan askarigii ka tirsan Al Shabaab ee gacanta usoo gala dowladda KMG ah, wuxuuna ugu baaqay Ciidamada Al Shabaab inay isku soo dhiibaan dowladda inta aan laqaban ka hor.
Inkastoo Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ay guulo ka sheegteen dagaalkii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Luuq ayaa hadana waxaan jirin wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dagaalka dhacay.
Maakhir Media Muqdisho
