|

Nabaddoon Aad looga yaqaan Gaalkacayo oo lagu dilay magaaladaasi

Gaalkacayo -(MMedia)- kooxo hubeysan ayaa xalay Nabadoon caan ahaa ku dilay Waqooyiga magaalada Galkacyo, iyadoo Taliska Puntland ee halkaasi uu ka gaabsaday inuu arintaasi ka hadlo.

Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay Xaafadda Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dilay Nabadoon Xasan Xuseen Max’ed oo ka mid ahaa Nabadoonada sida weyn looga yaqaanay Magalada Gaalkacayo.

Nabadoonka ayaa la tilmaamay in la dilay xilli uu kasoo baxayay Masjid ku yaalla Xaafadda Garsoor, iyadoo markaasi kadib kooxihii dilka geystay ay halkaasi isaga baxsadeen,
Dilka Nabadoonka kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland kuwaasi oo bilaabay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay falkaasi inkastoo aysan ku guuleysan  inay gacanta kusoo dhigaan ragaasi.

Taliye ku xigeenka qeybta booliska ee Maamulka Puntland ee gobolka Mudug oo ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo falka dilka ah ee loo geystay Marxuumka, hase ahaatee waxa uu tilmaamay in saacadaha soo aadan uu ka warbixin doono arintaasi.

Magaalada Gaalkacayo ayaa intabada waxaa ka dhaca dilal loo gaysanayo biri magaydada iyadoo aan la garanayn hadba wixii dadka dilaya Xalayna waxaa magaalada lagu dilay Nabadoonkan  iyadoo ay baxsadeen dadkii dilka gaysatay Poliska ayaa intabadan ka soo habsama inta ay hawshu joogto ama ay qoyantahay waxaana uu yimaada xili ay baxsadaan dadka dilka gaystay .

Maakhir Media Gaalkacayo.

Webmaster@maakhir.net

Comments are closed