Dowlada PL oo shaacisay qidmad dowladu ka qaadi doonto shirkadaha isgaarsiinta ee pl ka shaqeeya +Dhagayso
Podcast: Play in new window | Download
Garowe -(MMedia)-Wasiirka warfaafinta pl Axmad cali askar oo maanta wariyaasha shir saxaafadeed ugu qabtay xarunta wasaaradu ku leedahay garowe ayaa shaaciyay xeer golaha wasiirada pl dood ka yeeshen horaantii sanadkaan 2011 oo ku saabsan qidmad dowladu daqiiqadii ka qaadeyso shirkadaha isgaarsiinta wicidda gudaha pl,Gobolada kale ee soomalia iyo caalamka.
Dood iyo wada tashi kadib goluhu wuxuu isku raacay oo uu ansixiyay xeerkan waxana soo saaray Madaxweynaha Pl Dr,C,raxmaan Sh,Maxmad Maxamuud faroolle.
Wasiirka wasaarada warfaafinta pl axmad cali askar oo sharaxay qiimaha qidmadda shirkadaha laga qaadayo daqiiqadii gudaha iyo dalka ayaa marka hore sharaxaad ka bixinaya marxaladii loosoo maray soo saarista xeerkan
daqiiqadii gudaha Puntland ay dowladu u jaangoysay 0.036 tasoo ay ku jirto khidmadii dowlada.
wasiirka ayaa sidoo kale gudaha soomaaliya inteeda kale ay dowaladu u jaangoysay in ay shirkadahu ku gadaan daqiiqdiiba 0.05. Halka daqiiqadii wicitaanka dalalka shisheeye ama dibadda intiisa kale ay dowlada Puntland ay jaangoysay in ay ka dhigaan daqiiqadiiba 0.30 ay ku gadaan.
Wasiirka Warfaafinta ayaa Ugu danbayntii xusay in ay dowaladu ay fiirisay danaha shirkada, dadka maal gashtay shirkadaha isgaarsiinta iyo tan shacabka isticmaalaayaba ay jaangooyntan u samysay.
waxaa jiray qima hore ay u qoondaysteen shirkadaha ka jira deegaanada puntland kuwaasi oo qimayaal kala duwan u qoondeeyay ku hadalka debeda iyo locakaba sida ay lokalka dhawanaha ay ku shaqyanayeen shirkada aar 0.025halka ay debedana ahaayeen 0.24 iyo 0.26 taasina ay awalba dadka ku badnayda laakin iminka dawalda puntand ays heegatay in daqiiqada debeda ay tahay 0.30 taasina ayba kasii badan tahay intii hore
Maaha markii ugu horaysay oo ay dawalda puntland jaangoyso qiimaynta khidmada ku hadalka debeda iy o locakalka hada ka hor ayay ahayd markii dawaldii c/laahi yusuf ay mar jaangoysay hase ahaateen aanay suurta gal noqon in ay shaqayso hadba tani ma noqon doontaa mid ka duwan tii C/laahi yusuf mise awaxay raaci doontaa wadaasi.
Faaduma Abdiraak
Maakhir Media Garowe.
Webmaster@maakhir.net

