|

Madaxwayne Shiikh shariif oo Gaadhay Uganda Kulamana la qadan doona Madaxweynaha Dalkaasi.

Uganda -(MMedia)- uMadaxweynaha Somaaliya Shikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta gaadhay dalkaasi Uganda isga iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Raysal wasaare ku xigeenka Ahan wasiirka arimaha debeda iyo saraakil ka tirsan madaxtooyada Villa Somaaliya.

Kadib madaxweynaha Somaaliya markii uu halkaasi Gaadhay waxaa kusoo dhaweyay madaarka Caasimada uganda madax ka tirsan dalkaasi waxaana loo galbiyay halkii loogu tala galay.

Madaxweynaha Somaaliya ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda uu la kulmo madaxweynah dalkaasi Yuwera Musaveni Isagoo kala hadli doona xaalada iminka dalka uu ku sugan yahay iyo Guulihii ay ka gaadheen Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale ka bixitaankii Al-Shabaab .

Labada masuul ayaa sidoo kale ka hadli doona xaalada ugu wayn ee hada dalka ka taagan tahay ee Abaarha iyadoo ay sidoo kale ka wada hadli doonaan Amaanka Magaalada muqdisho iyadoa ay halkaasi ka bexeen  Al-Shabaab.

Kadib bixi taankii Alshaab waxaa dalka maanta ka tegay oo socdaal gaaban ku tagay dalka Uganda Madaxweynaha Somaaliya Shiikh Shariif isagoo halkaasi u aaday in uu uga waramo xaalda dalka  madaxwaynhaa uganada yuweri Musaveni  hadaba hadii dalka isbedel ka  dhaco maxay  masuuliyiinta sare ee dalku u aadaan  wadamada dariska la ah somaaliya mawaxay doonayaan in ay ka faaidaystaan  xaaladu siday tahay mise waxay kusoo qaataan lacag waa su’aal ka dhex guuxaysa  maskaxda Dadka Somaalida ee ay samayn wayn ku yeesheen Dawalad la’aantu.

Maakhir Media Uganda

Comments are closed