|

Ciidamda Booliska Boosaaso oo Dad Ku Qabqabtay Howlgal ay Fuliyeen

Boosaaso(MMedia) Ciidamada Booliska Magaalada Boosaaso ayaa howlgallo dad lagu soo qab qabtay waxaa ay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.  

Sida ay uu Saxaafada  u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah, Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso waxa ay kusoo qab qabteen dad lala xiriirinayo dil xalay Magaaladaasi loogu gaystay Taliye ku xigeenkii Saldhiga Bari ee Magaalada Boosaaso. 

Ciidamada amaanka ayaa la tilmaamay inay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 10-ruux oo la sheegay in laga soo qab qabtay wadooyinka waa wayn ee Magaalada Boosaaso, waxaana dhamaantooda loo taxaabay xabsi ku yaalla Magaaladaasi. 

Gudoomiyaha gobolka Bari C/samad Max’ed oo la hadlay Warbaahinta ee Magaalada Boosaaso xilligii uu socday howlgalka ayaa waxaa uu sheegay in howlgalkaani uu ahaan doono mid sii socda ilaa iyo  inta laga soo qab qabanayo dad ka dambeeyay dilkii loo gaystay Taliye ku xigeenkii Saldhiga Bari ee Magaalada Boosaaso. 

Howlgalkaani ayaa waxaa uu qeyb ka yahay howlgallada inta badan ay Ciidamada Maamulka Puntland ka sameeyaan deegaanada iyo degmooyinka ay ka taliyaan, waxaana inta badan Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ay sheegaan inay wax ka qabanayaan xaaladaha amaan dari ee kusoo laab laabtay deegaanadooda.

Maakhir Media Boosaaso

Comments are closed