|

Maxkamadda Ciidamada oo laga furay Suuq Bacaad

Muqdisho(MMedia) Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa laan cusub ka furatay Suuqa Bacaad.Suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ee suuq Bacaad ayaa maanta si rasmi ah looga furay  Maxkamadda ciidamada Qalabka sida, iyadoo furitaaanki munaasabaddaasi ay goob joog ka ahaayeen guddoomiha Maxkamadda ciidamada qalabka sida, Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid. Saraakiil ka tirsan ciidamada iyo ganacsatada suuqaasi.

Furitaanka Maxkamadda kadib ayaa saraakiisha amaanka dowlada, iyo maamulka degmada waxa ay kulan la qaateen Ganacsatada suuqaasi kaas oo looga hadlayay sidi ganacsatu ay gacan uga geysan la haayeen sugida amniga suuqaasi iyadoo ganacsatadu ay magacaabeen guddi amaanka kala shaqeeya ciidamada amaanka dowladda.

Munaasabaddi lagu furayay Maxkamaddaasi ayaa waxa  ka hadlay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Xassan Maxamed “Mungaab” oo sheegay in u jeedada Maxkamada halkan looga furay ay tahay sidi loo xaqiijin lahaa amaanka suuqani isagoo wacad ku maray in isla suuqa lagu Maxkamadeyn doono ciddi lagu qabto fal ka dhan ah amaanka wuxuuna  kula dardaarmay ganacsatada suuqasi in ay la shaqeyaan ciidamada amaanka soona sheegaan wax allaale iyo wixii wax u dhimi kara amaanka suuqa.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay General Cali Caraaye Cosoble Gacma duulle oo tilmaamay in ciidamada dowladu ay diyaar u yihiin ka hor tagga falkasta oo ka dhan ah amaanka isagoo hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay in ganacsatadu ay la shaqeeyaan ciidamada.

Guddoomiyaha gudfiga ganacsatada suuqaasi Sh. Cali Maxamed Maxamuud oo halkaassi ka hadlay ayaa tibaaxay in ay dhankooda si buuxda ula shaqeyn doonaan ciidamada amaanka isago ku amaanay ciidamada dowlada sida ay u sugeen amaanka suuqaasi iyadoo aysan ka dhicin wax dhac ah.

Dhawaan ayay ahayd  markii ay ciidamada dowladu  la wareegeen Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu wayn Magaalada Muqdisho  iyadoo furitaanka maxkamadani ay yididiilo wanaagsan galinayso ganacsatada suuqaasi.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed