Iska Horimaadk Kooban oo Ku Dhexmaray Alshabaab Iyo DFKMS Xaafada Yaaqshid
Muqdisho(MMedia) Dagaal culus ayaa xilligan ka socda degmada Yaaqshiid meel ku dhow Garoonkii Ciyaaraha Muqdisho oo shalay ay fariisin ka sameysteen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, kadib markii weerar culus ay ku soo qaadeen Xarakada Al-Shabaab.
Hugunka Madaafiicda iyo rasaasta noocyadeeda kala duwan ayaa si aad ah loo malqayaa, waxaana sidoo kale dagaal kale uu isna ka dhacay goor dhoweyd Dugsiga Farsamada Jarmal ee Xero Jarmal, markii Ciidamada Dowladda ay gaareen.
Weerarkan ayaa ah mid qorsheysan oo Shabaabka horay u dajiyeen, kadib markii Afhayeenkooda uu sheegay in qidadooyin ay ugu tala galeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, isla markaana saacadaha soo socda wado kasta iyo luuq kasta looga soo bixi doono.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa dhinaca waqooyi ee jidka Warshadaha kaga soo qaaday weerarka, halka kuwa qaar ay ku jireen dhismayaal ku yaala goobihii ay ka baxeen habeen hore.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka ka dhacay agagaarka Dugsigii Farsamada uu dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askarta Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Sidoo kale dagaalka iminka ka socda agagaarka Garoonka Ciyaaraha Muqdisho iyo Isgoyskii Telfishinka Qaranka mid labada dhinac ay isu adeegsanayaan hub cul culus
Saakay barqadii ayaa rasaas ay ka soo dhaceysay dhismayaal ay Shabaab kaga sugnaayeen meelaha qaar, iyadoo iska hor imaadyo goos goos ah ay socdeen, hase ahaatee haatan ayaa dagaal fool ka fool ah oo aad u culus uu ka socdaa Wadada Warshadaha meelaha Ciidamada Dowladda ay soo galeen maalintii shalay
Maakhir Media Muqdisho
