Ergayga U qaabilsan QM somaaliya oo Shalay soo Gaadhay Hargaysa Kulana la Qaatay Madaxwayne ku xigenka
Hargaysa -(MMedia)- Waxaa maanta galinkii hore kulan yeeshay madaxwaynka somaaliland iyo Agostin Mahiiga iyoo wasiiro ka tirsan xukuumada shirkaasi oo looga hadlayay arima badan oo ka tagan somaaliland iyadoo sido kalena ay ka hadlayeen xaalada abaaraha ka jira somaaliland.
Kusimaha madaxwaynaha Somaaliland ahna madaxwayne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi ismacil saylici ayaa uga warbixiyay xaalada abaaraha ka jira somaaliland isagoo sheegay in ay ka badbaadeen dadka somaaliland abaarihii ku dhuftay qayba kamida dalka waxaa u sidoo kale sheegay in ay dal iyo debedba isaga gurmadeen dadka reer Somaaliland.
Ergayga gaarka ah ee Somaaliya u qaabilsan QM Mahiga oo isna ka hadlay shirka ayaa sheegay sababaha uu u yimi Hargaysa Waxa uu yidhi Hargaysa waxaan u imi in aan ogaado xaalada dhabta ah ee ka jirta sida abaaraha iyo xaalada dadka ay ku Nool yihiin waxaa kaloo uu sheegay in ay xaalad xun ay ka taagan tahay somaaliya o o Abaareed .
shirkan oo ahaa mid lagu lafa gurayay xalada abaaraha ka jira somaliland kaasi oo ay kawad ahadlayeen egayga u qaabilsan somaaliya QM agostin MAhiga iyo Madaxwayne ku xigeenka Somaaliland ahna kusimaha madaxwaynaha somaaliland iyo wasiiro badan oo ka tirsan xukuumada iyagoo iskku afgartay xaalada dalka iyo abaaraha ka jira iyo amaankaba.
Shalay ayuu soo gaadhay ogostiin mahiiga Hargaysa isagoo ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Cigaal kaasi o0 markaasina uu kasii duulayay madaxwaynaha somaaliland Axmed Maxamed Silaanyo iyo wafdi uu hogaaminayo oo u socday dalka China kadibana ay isku salameen Madaarka kadibana uu soo galay Hargaysa Mahiiga .
Maakhir Media Hargaysa.

