|

Magalada Muqdisho oo aan isku Muqaal ahayn Maanta Xalay Caawa Kadib Bixitanki Al-Shabab

Muqdisho – (MMedia)- Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo is kaashanaya ayaa si buuxda ula wareegay qeybo badan aagagii Shabaabka la wareegeen, inkastoo aanay wali gaarin deegaanada qaar ee Shabaabka dadka deegaanka la degenaa sida Suuqa Xoolaha iyo qeybo ka mid ah degmada Dayniile.

Wasiirka Gaashaandhiga ahna Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Xuseen Carab Ciise iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Amniga Qaranka oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa booqday Garoonka Ciyaaraha Muqdisho, iyaga iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Taliyaha Ciidamada Lugta ee Uganda Col. Paul Lokech ayaa saxaafada kula hadlay Garoonka Ciyaaraha Stadium Muqdisho, isagoo sheegay in Shabaab ay kala wareegeen fariisimo istiraatiiji ahaa, waxaa uu sheegay in dagaaladii xalay ay qasaare ku gaarsiiyeen, maalmahana ay sii daciifayeen, kadib markii dhul baaxad leh ka qabsadeen.

Ciidamada AMISOM ayaa isku fidiyay Garoonka Ciyaaraha Muqdisho, sida qeybaha sare kuraastii la fariisanayay, iyo qeybtii dabaasha ee uu lahaa, sidoo kale Ciidamada ayaa dhanka Isgoyska Ifka Xalane ilaa Wasaaradii gaashaandhiga is heysta.

Dhinaca kale Suuqa Bakaaraha ayay gudaha ugu jiraan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, halkaasoo maanta Gudi gaar ah loo saaray howlaha sugida Ammaanka Suuqa Bakaaraha, kaasoo si KMG ahaan loogu magacaabay Jen. Yuusuf Indha Cadde.

Gudiga Amniga qaranka oo shir aan caadi aheyn ku yeeshay maanta Magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray go’aamo la xiriiray qorshaha nabadgelyada iyo xasilinta Muqdisho, iyadoo la sameeyay labo Ciidan oo nabadgelyada guud iyo tan goobaha Shabaabka ka baxeen suga.

Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa ku wada hoyanaya aagaga ay qabsadeen, waxaana meelaha ay ku sugan yihiin ka mid ah agagaarka Saldhiga Yaaqshiid, Suuq Bacaad, Hotelkii Towfiiq, Isgoyska Cali Kamiin, Xaruntii Xisbiga, dhinaca Sanca iyo Garoonka Ciyaaradaha Muqdisho, waxayna meelaha qaar yihiin kuwo si saf ballaaran ay ugu dhirirsan yihiin.

Magaalada Muqdisho aayaan isku mid ahayn xalay ,maanta iyo caawaba iyadoo aad magaalada gabi ahaanba moodayso inay cidla tahay waxaa sido kale dheer goobihii ay degenaayeen  Al shabaab ayaa ah meelo qaawan oo aanay cid isku dagaalaysa anay jirin waxaa kaliya oo jooga ciidamada dawalada iyo kuwa AMISOM.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed