Mahiga oo La Kulmay Madaxda Dowlada P/land
Garoowe(MMedia) Danjiraha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augistine Mahiga ayaa maanta barqadii soo gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, halkaasi oo soo dhawayn aad u ballaaran loogu sameeyay.
“Maanta ayuu soo gaaray magaalada Garowe ,waxaana la keenay xarunta madaxtooyada oo ay isku qaabileen madax dowladda ka tirsan “ayey tiri Siciido Kiin oo kamid ah wariyayaashii uga hortagay Mahiga garoonka diyaaradaha ee Garowe.
Waxaa la sheegay in madaxwaynaha Puntland ay wada qaateen kulan saacado socday ,kaasi oo looga wada hadlay arimo ku saabsan xaaladda wadanka Somaliya iyo halka lagu qaban doono shirka Qaramada Midoobay ay gar-wadeenka ka tahay ee la qorshaynayo.
Madaxwaynaha Puntland oo ka hadlay shir ka dhacay Garowe maalmo ka hor ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay marti-galinta shir-waynaha Soomaaiyeed si meesha uu uga baxo khilaafka dhinacyada Soomaalida inta badan soo kala dhex-gala.
Booqasho uu todobaadkii hore Muqdisho ku tagay ku-xigeenka danjire Mahiga Christiano Manhal ayuu shirar uu la galay madaxda federaalka kaddib sheegay in la isla gartay xilliga la qabanayo shirka, inkastoo uunan ka hadlin madasha lagu qaban doono.
Danjire Mahiga oo aysan ahayn markii ugu horaysay oo uu yimaado Garowe ayaa booqashadiisa maanta ay ku soo beegmaysaa ,iyadoo maanta magaalada Muqdisho ay isaga baxeen ururka Al-shabaab oo muddo labo sano iyo bar ah halkaasi ku sugnaa
Maakhir Media Garoowe
