Madaxweynaha Somaliland oo ka dhoofay Madaarka Haragsya+Sawiro
Hargaysa-(MMedia)-Madaxwaynha Somaliland axmed maxamed sillaanyo ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Cigaal international ee magaalada hargaysa wafdiga uu hogaaminayo madaxwaynah ayaa ah mid aad u balaadhani .
Madaxwaynaha somaaliland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka dhoofay garoonka madaarka diyaaradaha ee cigaal .
Wafdigan oo ay madaxwaynaha ku weheliyaan wasiiro ka tirsan xukuumadiisa ayaa u anbabaxay dalka Chinaha halkaasi oo ay madaxwaynaha iyo wafdigiisu ka heleen martiqaad ,iyagoo sidoo kale kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dalkaasi.
Axmed maxamed maxamud silaanyo iyo wafdigiisa aya
a caawa ku si hakan doona dalka Itoobiya waxaan la filayaa in madaxwaynuhu ka hor intaanu u anababixin wadanka China uu kulamo la yeelan doono Raysal wasaarah Itobiya Males Zanaawi Maalinta Bari ah .’


Waxaa tagi taankii madaxwaynaha sii dhaweeyay qaar kamida wasiirada BaarLamanka madaxwayne ku xigeenka C/raxmaan ismaacil saylici iyo Taliyayaasha ciidanka qalabka sida iyo police-ka iyo wliaba shacab aad badan oo caleema qoyan usii ruxayay madaxweynaha .
Si rasmi ah looma shaacin sababta keentay in uu madaxwenaha uu ugu anbabaxo Dalka Chinaha hase yeeshee af hayeenka madaxtooyada somaaliland la hadlaay saxaafada kadib tagitaankii madaxwaynaha ka bixiyay faahfaahin ,waxaana uu sheegay in madaxweynuhu la kulmi doono madaxda dalkaasi isagoo kala hadli doonaa xaalada dalka somaaliland.
Maakhir Media Hargaysa.
