Askar maraykana oo ku dhintay Burburka diyaarad ay saarnaayen.
Afgaanistaan(MMedia)-Wararka ka imaanaya dalka afgaanistaan ayaa sheegaya in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ay ku bur burtay dalkasi afgaanistaan iyadoo ay dagaal kula jirto kooxa daalibaanka.
Diyaaradan burburtay oo ay ciidamada gaadhay 31 askari ku dhinteen ayaan la garanayn sababaha ay usoo dhacday sidoo kale waxaa ku dhintay 7 askari oo u dhashay dalka afgaanistaan kuwaasi oo lasocday ciidamada dagaalka ee kamaandooska ah ee loo yaqaano Special Frorce .
Saraakiisha Nato ayaa ka hadashay arinka diyaarada iyagoo sheegay in ay baadhayaan sababaha ay diyaaradani u soo dhacday,diyaaradan ayaa dhacday xili ay dagaal kula jireen kooxaha Taalibaan ee ka dagaalama wadanka afgaanistaan kuwaasi oo kasoo horjeeda joogitaanka ciidamada Nato.
Kooxda Taalibaan ayaa iyadu sheegatay inay soo rideen diyaarada ay askarta badani ku dhinteen saraakisha kooxdaasi ayaa iyagu ka dhawaajiyay inay gantaal la eegteen kadib iyadoo soo gashay hawada sare ee ay ka dagaalamayeen kooxaha daalibaan.
Sikasatab ha ahaatee diyaaradan ayaa ahayd diyaaradaha dagaalka ee nooca qumaatiga u kaca kuwaasi oo ay saarnaayeen ciidamada Naato oo u dhashay dalka maraykanka kuwaasi oo ay ku jireen ciidamo ka tirsan afgaanistaan.
Maakhir Media Afgaanistaan.
