|

Mahiga oo yimi Garowe iyo Madaxwaynaha puntland oo kulan la qadan doona.

Garowe-(MMedia)-Waxaa magaalada Garowe soo gaadhay danjiraha somaaliya u fadhiya  QM Agostin Mahiga iyo wafdi uu hogaaminayo  iyadoo si aada loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee caasimada puntland.

rrimaha ay ka hadli doonana labada mas’uul ayaa la filayaa in ay ugu waynaan doonto madasha lagu marti-galin doono shirka qorshaysan ee looga arrinsanayo xaaladda kala-guurka ah ee Soomaaliya iyo arrimaha federaalka. Sidoo kale waxa la filayaa in ay isla soo qaadaan macaluusha ba’an ee baryahan soo food-saartay koonfurta Soomaaliya.

Madaxweynaha puntland Dr c/raxmaan shiikh maxamed faroole ayaa dhawaan waxa uu ka san qadhiyay in shirka somaaliya lagu qaban doono garowe isaga oo ka hadlayay sanad guuradii puntland.

Mahiiga ayaa isna yimi magaalada garowe isagoo kala hadli doona madaxwaynaha arima badan oo somaliya ah iyo halkii lagu qaban laha shirka isagoo sidoo kalena  kala hadli doona abaaraha ay  macaluulisay dad badan oo somaali ah oo ku nool dalka sosmaaliya gaar ahaan koonfurta .

Danjiraha somaaliya u fadhiya QM ayaa ku soo beegmaya magaalada garowe xili ay ka dhacday munaasbaad aad u wayn oo lagu xusayay xuska maalintii la asaasay puntland iyadoo daafaha aduunyadalaga daawanayay sidoo kalena ay habaysan tahay  dhamaan amaanka iyo nidaamka wadooyin ee magalada garowe.

Maakhir Media Garowe.

Comments are closed