Xarakada Al-Shabaab oo Gabi ahaanba ka baxday Magaalada Muqdisho.
Muqdisho-(MMedia)-waxaa habeenimadii xalay gabi ahaanba ka baxay magaaalada muqdisho Kooxda Alshabaab iyadoo ay xalay oo dhan ahaayeen safar sidoo kalena la maqlayay sawaxanka gaadiidka dadka deegaanka ayaa iyago cadeeyay in ay xalay oo dhan ciidamadooda daad guraynayeen .
Saaka markii waagu baryay ayaa waxaa la arkay goobihii ay ka talin jireenoo dhan oo banaan taasina ay dadka deegaanka ay fajac ku noqtay iyadoo ay sheegen in ay xalay ka baxeen xaafadaha iyo degmooyinkakuwaasi oo Saldhigyadii ay ku lahaayeen degmooyinka Huriwaa, Hawlwadaag iyo Dayniile ayaa saakey ah kuwo haawanaya oo cidla ah.
Afhayeenka Xarakada al shabaab ayaa ka hadlay Bixitaanka ay ka baxeen magaalada muqdishi isagoo ka hadlayay idaacada muqdidho ay ku leeyihiin magaalada muqdisho isagoo sheegay in ay uga bexeen muqdisho danaha iyo dadka somaaliyeed ee ay abaaruhu ay saameyeen. turid loo turaayo shacabka rayidka ah ee dhibaateysan, kuwaas oo sida uu sheegay AMISOM ay u isticmaaleyso awood aad u xoog badan, wadatashi dheer kadib waxaan baddalney dhamaan istraatiijiyaddi dagaalka, waxaana fulin doonaa hawlgalo cadowga aan dalka uga saarno ayuu yiri Cali Dheere afhayeenka al-Shabaab.
Cali dheere ayaa sheegay in ay dad ajinabi ah soo galeen dagaalkii ay kula jireen ciidmada dawalada waxaana uu sheegay in ay soo galeen maraykan Faransiis iyo qaar kale oo caawinaya ciidamda dawlada.
hadaba Alshaab ayaa mudooyinkii ugu danabaysay dagaal kula jirtay ciidamada dawalda kuwaasi ay hadba meel kala qabsan jireen Dagaalo badan ayay isla soo mareen alshaab iyo ciidamada dawladu waxay al shabaab la wareegtay qayba badan oo ka tirsan koonfurta somaaliya iyadoo ay sidoo kalena ay dadka ku noqdeen laf dhuun gashay.
Alshabaab ayaa iminka u guurtay Gobolada shabeelooyinka halkaasi oo ay abaaaruhu saamayn ku yesheen laakin sababaha ay u guureen ayaa kamida in ay yaraadeen dhaqaalihii ay ka heli jireen dadka kuwaasi oo ay abaaruhu saamayn ku yeesheen.
Maakhir Media Muqdisho.

