R/wasaare C/weli Gaas oo Booqday Xerada Badbaado oo Maanta ay Ka dhacday Mashaqo Xanuun Badan+Sawiro
Muqdisho(MMedia) Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Soomaaliya C/weli Maxamed ayaa booqday xero ay dad qaxooti ah ku jireen oo ku taalla degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, taasi oo maanta ay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay dhibaato ka geysteen.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dhacdo maanta ka dhacday xerada badbaado ee magaalada Muqdisho oo ay ku nool yihiin dad qaxooti ah, taasi oo ahayd in la boobay raashin dad tabaaleysan loo waday, lana dhibaateeyay.
Arrintan guddi ayaan u saarnay soo baara arrintii maanta dhacday, waxaana marka uu warbixinta noo soo gudbiyo aan maxkamad soo taagi doonnaa ciidamadii falkaas ka dambeeyay, ciqaab adagna la marsiin doono”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cabdiweli oo sheegay in la soo celiyay raashinkii ciidamada ay boobeen.
Ra’iisal Wasaaraha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in wax ka bedel laga sameeynayo maamulka iyo ammaanka xerada qaxootiga badabaado oo markeedii hore ay dowladda Soomaaliya aas aastay., iyadoo loo saaray guddi maamul iyo ciidamo isugu jira.
Xerada Badbaado oo ay ku jiraan dad qaxooti ah ayaa waxaa maanta ka dhacday dhacdo xanuun badan, taasi oo ahayd in ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay rasaaseeyeen dad xeradaas ku jira, ayna halkaas ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ay ciidamadii falkaas geystay ay boobeen raashinkii dadkaas tabaaleysan loo waday.
Sidoo kale R/wasaaraha ayaa magacaabay guddi wax ka qabta shaqaaqadii ka dhacday xerada badbaado oo ah xerada ugu ballaaran oo ay dowaddu dejisay dadka ku soo barakacay Muqdisho.
R/wasaaraha ayaa waxaa booqashiisa ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhiga iyo taliyayaasha ciidamada waxa ayna u kuurgaleen xaalada barakacayaasha ku jira xeradaasi iyo saameynta ay ku yeelatay shaqaaqadii halkaasi ka dhacday.
Booqashada R/wasaaraha ayaa ka dambeeysay kadib markii kooxo burcad ah ay boob u geeysteen raashin loogu talagalay Barakacayaasha, waxaana halkaasi ka dhacay dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.a
Maakhir Media Muqdisho


