|

Wararka Kasoo Baxaya Boobkii Loo Gaystay Raashinkii Loo Waday Xerada Qaxootiga Badbaado

Muqdisho(MMdia) Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah oo maanta dad barakacayaal ku laayay Xerada Badbaado ee duleedka Muqdisho, iyadoo uu sii kordhayo qasaaraha ka dhashay rasaas ay ooda ugu qaadeen dadkaas, xilli Ciidamada Dowladda ay dhac u geysanayeen Raashin mucaawino ah oo xeradaas laga qeybinayay.

Ilaa toban ruux ayaa ku dhintay, halka qaar kale oo intaa ka badan ay ku dhaawacmeen, waxaana mashaqadan ay aheyd tii ugu xanuunka badneyd ee Ciidamada Dowladda ay u geystaan dadka barakacayaal ah oo Gaajo iyo Haraad uga soo barakaceen deegaanada Gobolada dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada dhacayay raashinka ay is hor-taageen Ciidamo kale oo ilaalinayay raashinka, iyadoo ka hor inta aan la boobin raashinka uu goobta ka jiray buuq fara badan, isla markaana ay ku yaaceen gawaaridii raashinka mucaawinada siday dadkii meesha ku sugnaa, dabadeedna buuqii iyo is dhex yaacii ka faa’ideysteen Ciidamo kale oo dhacay Labo gaari.

Xaalada Xerada Badbaado ayaa goor dambe caadi ku soo laabatay, kadib markii saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska, iyo Ciidamo isugu jiray Milateri, Boolis iyo PS-ta ay gaareen goobtaas, inkastoo ka hor intii xaalada kacsaneyd ay goobta ka carareen dadkii barakacayaasha ee la dejiyay Xerada.

Saraakiisha Booliska ee gaaray goobta ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah Ciidamadii ka dambeeyay afduubka ee dadka laayay, inkastoo wali wax war ah ka soo bixin Dowladda KMG iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhacdada foosha xun ee maanta ka dhacday Xerada Badbaado ayaa ah tii u horeysay ee muujisay hab dhaqanada Ciidamada Dowladda iyo inay hor-taagan yihiin gar gaarka sama falka ee la gaarsiinayo dadka barakacayaasha, iyadoo ay tani tahay mid dadkii haraadka iyo gaajada ugu soo barakacay deegaanada Gobolada halkan lagu dhameystirayo.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed