Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay natiijooyinkii ardaydii laga qaaday Imtixaanaadka deeqda Waxbarasho
Muqdisho(MMedia) Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee DKMG ah ayaa maanta ku qabtay Muqdisho munaasabad lagu soo bandhigayay natiijooyinkii ardaydii Soomaaliyeed ee ka qaybgalay imtixaanaadkii deeqda waxbarasho ee lagu qabtay Muqdisho, Nairobi iyo Addis Ababa.
Munaasabadda oo ka dhacday xarunta wasaaradda waxbarashada, hidda iyo tacliinta sare ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.
Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada C/qaadir Maxamed Barre oo sheegay in ardaydii imtixaanaadka galay ay tiradoodu ahayd 890-arday, ayna imtixaannadu ka kala dhaceen Muqdisho, Nairobi iyo Addis Ababa.
“Ardaydii imtixaanka ku galay Muqdiho oo tiradoodu ahayd 497-arday, waxaa ka guuleystay 269, waxaana dhacay 228-arday. Ardaydii imtixaanka ku galay Nairobi oo ahaa 323 waxaa ka baasay 89-arday, waxaana dhacay 234-arday. Ardaydii imtixaanka ku galay Addis Ababa oo ahaa 70-arday waxaa ka baasay 24-arday, waxaana dhacay 46-arday,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka oo natiijada ka akhrinayay xafladda.
Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in imtixaanka uu u dhacay si ka madaxbannaan musuqmaasuq, ayna u mahadcelinayaan ardayda baasay, sidoo kalena ay ku dhiirri-gelinayaan ardayda aan gudbin inay dadaalkooda wadaan.
“Magacyada ardayda baasay waxaa lagu shaacin doonaa web-site-ka ay leedahay wasaaradda iyo midka wasaaradda warfaafinta, iyadoo aan lagu soo qoray 508-ka arday ee ku dhacay imtixaanaadka, ardaygii liiska iska waaya waa inuu wasaaradda lasoo xiriiro,” ayuu yiri C/qaadir Barre.
Ardaydan imtixaanaadka galay ayaa waxay u tartamayeen deeq waxbarasho oo dibadda ah, iyadoo mas’uuliyiintii kulanka kasoo qaybgalay ay u hambalyeeyeen ardayda Soomaaliyeed ee u dhabar-adaygaya waxbarashada iyadoo lagu jiro xilli dagaal.
Maakhir Media Muqdisho
