Taliyaha Booliiska Sool iyo Kii Degmada Laascaanood oo xilkii ka qaaday kuwo kalena La Magacaabay
Hargaysa(MMedia) Taliyaha Booliiska Somaliland General Maxamed Saqadhi Dubad ayaa shalay xilkii ka qaaday Taliyihii qeybta booliska gobolka Sool Cali Ismaaciil Faarax Taliyihii Saldhiga dhexe ee ciidanka Booliska Laascaanood Axmed Cabdi Geelle.
General Saqadhi waxa uu ku bedelay Taliyihii hore ee qaybta Sool Taliye cusub oo la yidhaahdo Cabdilaahi Xaaji Cali, sidoo kale waxa uu Taliyihii Saldhiga dhex ku bedelay Taliye kale oo la yidhaahdo Cabdi Cumar Guray.
Sida uu ku soo waramay Wariyaha Gobolka Sool-na waxa uu sheegay xaalada magaalada laascaanood inay xalay deganayd, inkasta oo ay jireen labadii maalmood ee u danbeeyay tabashooyin laga muujinayay Maamulka cusub ee ay weftiga Xukuumadda ka socdaa ku sameeyeen Maamulkii gobolkaasi hore uga talin jiray iyo Ciidanka Booliskaba balse
dhinaca kalena Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo ay weheliyaan Wasiirka wasaarada Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Md. C/Risaaq Khaliif Axmed iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa shalay kormeer shaqo ku soo maray Maxkamadaha gobolka Sool, xabsiga magaalada Laascaanood iyo qaar ka mid ah xafiisyada laamaha dawlada ee gobolkaasi.
Wasiirka Warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade iyo masuuliyiinta la socday waxay sheegeen inay xabsiga magaalada Laascaanood uu yar yahay isla markaana uu cidhiidhi iyo diiqad ku hayo maxaabiista jeelkaasi ku xidhan. Waxa kale oo ay dayac weyn ku arkeen dhismaha xabsigaasi.
Waxa kale oo ay soo kormeereen afarta saldhig boolis ee ku yaalla magaalada Laascaanood waxaanay warbixin halkaasi kaga dhagaysteen masuuliyiinta Saldhigyadaasi oo uga waramay baahiyahooda waxaanay ka dalbadeen in saldhigyada lagu daro dhismeyaal cusub.
Weftigu waxa kale oo ay soo kormeereen Maxkamada gobolka Sool oo in muddo ah aan wax shaqo ah qaban ka dib markii la dilay Guddoomiyihii iyo Guddoomiye ku Xigeenkii maxkamadaas, waxaana xiligan loo soo magacaabay masuuliyiin cusub oo ka hawl geli doona.
Weftigan waxa kale oo wehelinayay Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koorre oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiilada iyo La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Maxamed Muuse Abees..
Maakhir Media Hargaysa
