|

Golaha Wasiirrada cusub oo markii ugu horaysay Kulmay+Sawiro

Muqdisho(MMedia) Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankii ugu horeyay ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka dooday arrimo ay ka mid yihiin sugidda Ammaanka magaalada iyo sidii gurmad bani’aadannimo oo degdeg ah loola gaari lahaa dadka dhibaateeysan.

Kulankan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoominayay R/wasaaraaha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali waxaana diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin Abaraha ka taagan Soomaaliya, gargaarka bani’aadanimada, iyo horumaradii ay ciidaamada qalabka sida ka soo hooyeen dagaallaadii ay la galeen maleeshiyaadka Shabaab.

Ku xigeenka R/wasaaraha Soomaaliya ahna wasiirka Gaashandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in waxyabaaha looga hadlay kulankii ugu horeeyay ee golaha wasiirada, iyadoo xubnaha golaha wasiirada ay si weyn ugu amaaneen ciidamad qalabka sida guulaha isdaba joogga ah oo ay ka soo hooyeen dagaallaada.

R/waaare ku xuxigeenka ahna wasiirka difaaca Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa dhinaca kale tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay inay soo celiso ammaanka iyo kala dambeynta dalka islamrkaana ay gargaar la gaarto dadka mudan ee ay saameeyeen abaaraha.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto C/qaadir Sh Cali Diini oo isna maanta la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada qalabka sida horumarrada ay ka gaareen dagaallada, waxa uuna shacbiga Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada, isagoo dhinaca kalena uga digay ciidamada inay dhibaateeyaan shacbigooda halkii ay ugu gargaari lahaayeen.

Waa kulankii ugu horeeyay oo ay muqdisho ku yeeshaan xubaha cusub ee golaha wasiirada tan iyo markii la magacaabay lana ansxiyay oo ay la wareegeen wasaaradaha ay hogaaminayaan.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed