|

Booliska Magaalada Muqdisho oo Gacanta Ku Dhigay Raashin La damacsanaa In La Musuq maasuqo

Muqdisho(MMedia) Ciidamada Booliska Dowladda KMG ayaa gacanta ku soo dhigay gawaari xamuul ah oo siday raashin mucaawino ah, kaas oo loo waday xeryaha barakacayaasha ee Abaaraha, iyadoo labadan Gaari ay leexsadeen dadkii u waday kuwa barakacayaasha.

Sida ay sheegayaan wararka Labadan gaari oo nuucooda ahaa kuwa Soomaalida u taqaano Candhameedle ayaa xilli lagu kala iibsanayay agagaarka KM4 waxaa ku soo leexday Kolonyo ay wateen Ciidamada Booliska, kuwaasoo weydiiyay sababta goobta lagu hayay, iyadoo kadib raggii waday hadaladooda isku khilaafeen.

Mid ka mid ah dadka goob joogayaasha ayaa u sheegay Shabakada Jowhar.com in gawaarida oo goobta la dhigay ay yimaaden ragg kale oo doonayay inay iibsadaan.

“Walaahi saaka aroortii ayaa labada gaari meesha lagu soo leexiyay, waxay wadaan Raashin gasaceysan iyo caano, waxay ahaayeen mucaawinadii ay keentay Dowladda Kuwiet, marka dadka waday ayaa ku iibsanayay, Ciidamo Boolis ayaa meesha yimid, markii dadka ay weydiiyeen waxay dhaheen waxan u wadnaa degmada Howlwadaag, markaas Ciidamadii ayaa dhaheen Howlwadaag barakacayaal ma joogaan, kadib sidaas ayaa lagu watay”ayuu yir goob joogahaas.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay musuq maasuqa lagu sameeynayay raashinka gar gaarka ee ka yimaada Dowladaha Carabta iyo Hey’adaha sama falka, iyadoo raashinka mucaawinada la doonayay in la kala iibsado uu noqonayo kii u horeyay ee ay Ciidamada ku qabtaan dadkii iibsanayay.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed