|

Xildhibaankii Muqdisho Lagu Dilay oo Aas Qaran Loo Sameeyay

Muqdisho(MMedia) MuqdishoWaxaa maanta Magaalada Muqdisho Aas-qaran loogu sameeyay Xildhibaan ka tirsan barlamanka oo xalay kooxo hubaysan ay dileen xilli uu kasoo baxay mid ka mid ah Masaajidda ku taalla degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.  

Xili habeenimadii xalay Magaalada Muqdisho kooxo hubaysan ay ku dileen Khaliif Jire Warfaa oo ka mid ah Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa Xildhibaankaasi Aas-qaran oo ay kasoo qeyb galeen Xildhibaano iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda loogu sameeyey gudaha Magaalada Muqdisho. 

Ka hor inta aan la Aasin Marxuumka ayaa Salaaddii Jannaasada waxaa lagula Tuktay Masjidka Madaxtooyada, iyadoo Salaaddaasi uu kasoo qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali, waxana dhamaan Mas’uuliyiinta dowladda ee ka qeyb galay Salaadaasi Janaasada ah ay Ilaahay uga baryeen in Naxariistii Janno uu ka wareebiyo Marxuum Khaliif Jirre Warfaa oo xalay kooxo hubaysan ay ku dileen degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir. 

Intaasi kadib ayaa Marxuumka waxaa lagu Aasay Qabuuraha Sheekh Suufi oo ku yaalla nawaaxiga Madaxtooyada, waxaana markii uu soo gaba gaboobay Aaska Xildhibaankaasi la hadlay Idaacadda Shabelle Xildhibaan C/qaadir Daahir Ciiro kaasi oo markii hore tacsi udiray Eheladii iyo Qarabaadii uu ka geeriyooday Marxuum Khaliif Jiro Wafraa. 

Xildhibaan C/qaadir Daahir Ciiro ayaa waxaa uu ku eedeeyay dilka Marxuum Khaliif Jire Warfaa inay ka dambeeyaan Kooxo nabad diid ah, isagoo sheegay in dowladda KMG ah Soomaliya ay gacan bir ah ku qaban doonto Kooxahaasi. 

Arintaani ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xili habeenimadii xalay ruux hubaysan uu toogtay Xildhibaanka xili uu kasoo baxay mid ka mid ah Masaajidda ku taalla degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadi

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed