Salaadiin La Hayb Ah Faysal Cali Waraabe oo Dowlada ku Eedeeyay Burburka Xisbiga Ucid Dagaalna Ku Hanjabay
Hargaysa(MMedia) Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir iyo Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi ayaa shir jaraa’id oo ay xalay si wadajir ah u qabteen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyay inay wado qorshe ay ku burburinayso Somaliland, sidoo kale waxay ku Eedeeyeen inay wado nidaam ay ku burburinayso Axsaabta iyagoo tusaale u soo qaatay xidhitaanka xafiiskiisii laga xidhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe.
Sidoo kale waxay ka hadleen shirkii ay kooxda Aqoonyahanku ku qabatay magaaladda Jabuuti kaasoo ay ku sheegeen in loogu gogol xaadhayay sidii Madaxweyne Siilaanyo u noqon lahaa Madaxweynaha Somaliya, Faroolaha Puntland-na noqdo ku-xigeenkiisa isla markaana labadooda ciidan iyo kuwa UN-tu tababartay Sh Shariif-na ay wadajir u hawlgalaan iyaga oo ah Ciidankii Xooga Dalka Somaliyeed.
Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Sul: Cabdiqaadir ayaa ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya Masuuliyiinta Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID, isla markaana waxa uu labada Xisbi qaran ee KULMIYE iyo UDUB uu soo jeediyey inay gacan walaaltinimo u fidiyaan arrinta Xisbiga UCID, waxaaanu Xukuumadda ugu baaqay inay Furayaashii Xafiiska u soo celiso Guddoomiyaha sharciga ah ee Md Faysal Cali Waraabe.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi oo caawa fiidkii si wada jir ah Shir jaraa´id ugu qabtay magaalada Hargaysa, ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inaanay runta u kala sheegin labada garab ee isku haya, waxaanay sheegeen in Md Faysal Cali Waraabe uu yahay aasaasihii Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID, waxaanu yidhi ” Xisbiga UCID waxa leeyihiin Shuruuc iyo qodobo Distooriya, waxaanan filayaa hadii la is yidhaahdo qalaanqal geliya cid walba waxa soo qabanaysa Shuruucda Xisbiga u yaalla, Guddoomiyuhu waxa uu awood u leeyahay iyadoo aanay dhawayn Shirweynihii Xisbigu inuu wax Magacaabo oo uu Xisbiga Dad cusub ku soo daro. Xubnaha dhinaca kale ka soo jeeda ee uu ka midka yahay Aadan Maxamed Mirre Waqaf waxba kala qarsan mayno waxa weeye si cad waxa uu Magacaabay Guddoomiyaha, isagoo markii hore ahaa Wasiirkii Gaashaandhiga ee Somaliland, markii Xilkii laga qaaday Faysal Cali Waraabe ayaa Xisbiga ku soo daray, Shirweyne lagu doortayna ma jirin, markaa in maanta Xisbigii isku qabsado wax aan laaqi ahayn anaga waxay nala tahay Qas iyo jahawareer in meesha loo jeedo, Xisbiga UCID-na uma aragno mid ku burburaya qof iyo laba iyo saddex toona, waa Xisbi qaran, axsaabta kale ee Qaranku hadii ay ka tallin waayaan wanaaga iyo Samaha Xisbiga UCID iyo jiritaankiisa, waxa weeye Xisbina Xisbi ma xukumi karo mana haysan karo Furayaashiisa.
Madaxweynaha waxa Furayaasha loogu dhiibay in marka uu akhriyo Shuruucda Xisbiga inuu Furayaasha u soo celiyo Guddoomiyaha xaqa u leh, cidii ku gardaroota Xisbiga anagu waxaanu ku aragnaa cid Qarannimada baabiinaysa, sidaa awgeed waxaanu Madaxweynaha ka codsanaynaa inuu Furayaasha u soo celiyo cidii xaqa u lahayd, maadaama uu in mudo ah gacanta ku hayey, Xisbigiina uu sidaas ku hawl-gallo, hadii taa la waayo Xisbi Xisbi kama haysanayo Furaha, arrintu laba mid uun weeye in Furaha loo soo celiyo Guddoomiyihii sharciga ahaa, iyo in la yidhaahdo waa lagaa xoog roon-yahay oo arrintu dagaal noqoto Ummaddu waa u diyaar inay Xisbigooda difaacaan oo ay magaca Xisbigooda ku dagaalanto.” Ayuu yidhi Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa kale oo uu ka hadlay Shirkii dhawaan lagu qabtay magaalada Jabuuti oo uu sheegay inay iskugu yimaadeen Aqoon-yahano Soomaaliyeed, kaasoo uu sheegay inuu Shir lagu duminayo Jiritaanka Somaliland, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi ” Shirkii lagu qabtay magaalada Jabuuti oo ay ka soo qayb-galeen Aqoon-yahano Soomaaliyeed, shirkaas Go´aamadii ka soo baxay Ummadda reer Somaliland wali may akhrisan. Runtu waxay tahay shirkaas waxa loo furay burburinta Somaliland, markaa Saxaafada waan u qaybinayaa Nuqullo ka mida Go´aamadii shirkaas ka soo baxay.” ayuu yidhi Suldaanku isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Shirkaas waxa la yidhi Madaxweynaha Soomaaliyeed halaga dhigo Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud, Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Faroolle, Ciidanka sheekh shariif UN-tu u tababbaray, Ciidanka Somaliland iyo Ciidanka Puntland halaga dhigo Ciidan qaranka soomaaliyeed leedahay, waxa kale oo jiray Rag soo maray Madaxweynaha oo shirkaas Jabuuti ku socday waxa ka mid ahaa Cismaan Jaamac iyo Sifir oo Madaxweynaha si toosa u soo maray markii ay ka qayb-galayeen Shirkaas Jabuuti, Madaxweynuhu waxu shirkaas qabsaday mudo Hal-sano ah oo uu yidhi waxaan ku kala jajabinayaa Maamulka Somaliland, waxaan filayaa in waxan dhacayaa ay arrintaas xaqiijinteedii tahay. Waxaan leeyahay Madaxweynaha heshiis keligaa ma geli kartid ummada reer Somaliland way u soo jeedaa Qarannimada iyo jiritaankeeda, waxaanan leeyahay hadii aad dhammayn kari wayday khilaafka Xisbiga UCID waxa jira Odayaal dhaqmeed ee arrinta anaga nagu soo wareeji, Guddoomiyaha waxa xilka laga qaadi karaa Shirweyne, maaha in afar Nin oo meel isku aruursaday ay yidhaahdaan waxaanu Xilkii ka qaaday Guddoomiyaha, taas waxaanu u aragnaa inay waddaan Burburka Xisbiga, hadii Xisbiga UCID sidaas ku Burburo ogaada KULMIYE iyo UDUB-na way burburayaan, mida loo baahan yahay waxa weeye in sharaftii Xisbiga loo soo celiyo, hadii dagaal loo jeedana ummadu diyaar ayey tahay.”
Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi ” Rag hadii uu is qabto mid uunbaa gardaran, laakiin mushkuladu waxa weeye inaan Runta loo kala sheegin, Xisbiga UCID cida ku haysaa maaha cid gor-gortamaysa ee waa cid kala gar-daran, Cabdiraxmaan Cirro iyo Waqaf intay wataan waa in gar-daran, waxaa wanaagsan in laga qabto, waxaan qabaa in Xiniiyaha waqaf ku jiraa inaanay ahayn kuwa lagu haysto UCID, Hargaysana waa la wada dagaa, waana la kala leeyahay cidbaana deegaan u ah, Nabadu waxa ay Dan u tahay Nimanka ku fadhiya Kuraasta Dahabka ah.” ayuu yidhi Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi
Maakhir Media Hargaysa
