Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Masar oo maanta maxkamad la soo Taagay.
Masar- (MMed)-Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak, ayaa la horkeenay maxkamad ku taalla magaalada Qaahira halkaasi oo dacwad lagu soo Oogay .
Waxaa la keenay goobta maxkamaddu ka dhacaysay isaga oo lagu wado sariirta isbitaalka, waxaana la geliyay shabaqa maxkamadda sida uu qabo nidaamka maxkamadaha Masar Kadibna waxaa dacwada la bilaabay isagoo dhex jiifa shabaqa .
Mubarak waxaa loo heystaa eedeeymo musuqmaasuq iyo inuu amray dilka boqolaal qof oo mudaaharaadayay kuwaasi oo kaso hor jeeday xilkii uu markaasi ka hayay dalka masar.
Waxaa maxakmadda lala saarayaa laba wiil oo uu dhalay iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo lix saraakiil hore oo ka tirsanaan jirtay nabad sugida.
Kooxo ka soo horjeeda iyo kuwo taageersan ayaa isku dhacay banaanka hore ee maxkamadda inta aanay bilaaban dhageysigeeda iyago midba midka kale oo uu ka soo horjeedo qolada tageersan waxa ay ka soo horjeeda in la maxkamadeeyo qaarka kalena waxay doonayaan in maxkamada la soo taago oo waliba danbigiisa lagu qaado .
Maxkamada ayaa bilaabatay 10 Am ee subaxnimo iyadoo afka hore ee maxkamada uu ahaa meel aad uu buuqbadan hase ahaatee amaanka ad loo adkeeyay iyadoo sidoo kalena amaanka magaalada qaahira oo dhan uu ahaa mid adag.
Madaxwaynihi hore xusni mubaarak ayaa xilka madaxwayne nimo iska casilay bishii Feberwary kadib mudahaaradyo ka socday dalka oo dhan 18 casho iyadoo ay dad badani ku dhinteen .
waxaa madaxwaynihii hore ee xusni mubaarak u doodayay qaadi kassi oo sitay buug ka kooban 43 nuqul kuwaasi oo ahaa su’aalaha la waydiinayo xusni mubaarak ,qaadiga u doodayay mubaarak ayaa codsaday inta ay maxkamadu ama dacwadu ku socotu xusni mubaarak uu dhakhtarku la socdo xaaladiisa caafimaad isagoo markii uu intaasi yidhina qareenka guud ee maxkamada uu amray in ay maxkamadu xidhan tahay kadibna laysugu soo laabto bisha 15 keeda isagaoo sidoo kalena sheegay in uu dhakhtarka sii ooli doono xusni mubaarak kaasi oo lagu ilaalin doono.
Madaxwaynihi hore ee dalkaasi masar ayaa maxkamad la soo taagay iyadoo lagu eedaynayo danbiyo ka dhan ah in uu dadkii mudaharaadyay amar ku bixiyay in la dilo ama lalaayo sidoo kalena musuq maasuq ka gaysatay dalka .
Abdirisaak Shabcaan
Maakhir Media Masar.
Webmaster@Maakhir.net
