Xiisad Dagaal oo Weli Ka Taagan Afmadow
Afmadow(MMedia) Deegaanka Shabaax ee duleedka Jiiro waxaa fadhiya boqolaal ciidamo ah oo taabacsan DKMG ah, waxa ay weerar ku yihiin magaalada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose.
Xiisadii shalay istaagtay ayaa wali taagan, dadka magaalada ayaa iyagu u tabaabusheysanaya sidii ay ay uga baxsan lahaayeen haddii uu dagaal qarxo.
Gudaha magaalada xarakada Alshabaab ayaa muujineysa dhaqdhaqaaq ciidan oo ay dooneyso in ay magaalada ku difaacato.
Wali wax xabad ah ma aysan dhicin, waxaana jira xusul duub labada dhinac ay ku jiraan.
Maakhir Media Muqdisho
