|

Wasaarada Arimaha Qoyska P/land oo soo Bandhigtay Waxqabadkeedii

Garoowe(MMedia) Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Dowlada Puntland ayaa manta soo bandhigtay xogta wasaaradda 2005-ilaa 2010,waxaana shirsaxaafadeed xogtaas ku soo bandhigtey Wasiirka Wasaaradda Marwo Caasha Geele Diiriye.

Buuga ayaa ka kooban 50-bog kana hadlaya xogta wasaaradda inta ay jirta waxayna wasiiradda sheegtay inay ka danbayaso soo saaridda buugan in la ogaadda xogta wasaaradda iyo arimaha ay ka shaqayso .

Buugaan ayaa ah mid ka turjumayadda waxyaabaha ay qabato wasaaradda haweenka Puntland ,waxaana ku qoran xog badan oo ka hadlaya shaqooyinka ay qabatay wasaaradda haweenka, tan iyo markii la asaasey.

Dhanka kalena Caasho Geele Diiriye ayaa ka sheekaysay inta la aas aasay wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska qaababkii iyo marxaladihii ay soo mareen shaqaalaha wasaaraddu iyo tiro ahaan sida ay isu badaleen.

Wasaaradda haweenka 2005- waxaa ka shaqo bilaabay 23 Qof
Wasaaradda haweenka 2006- waxaa ka shaqo bilaabay 33 Qof
Wasaaradda haweenka 2007- waxaa ka shaqo bilaabay 70 Qof
Wasaaradda haweenka 2008- waxaa ka shaqo bilaabay 97 Qof
Wasaaradda haweenka 2009- waxaa ka shaqo bilaabay 103 Qof
Wasaaradda haweenka 20010- waxaa ka shaqo bilaabay 131 Qof

Marwo Caasha Geele ayaa sheegtay inay horumar balaaran ay ka gaareen ka shaqaynta hormarka haweenka, u hadlida xuquuqda dadka laga tiro badan yahay iyo taabo galinta hhalaalka aan heli karin kaalmo bini’aadannimo, sidii wax loogu qaban lahaa.

Ugu danbaytii wasiiradda haweenka iyo arimaha qoyska ayaa sheegtay in buugaani u sahlayo qofkii doonaya xogta wasaaradda haweenka Puntland in ay si toos ah uga heli karaan dhamaan shaqooyinka wasaaraddu ay qabato.

Horseednet

Comments are closed