Dhul Gariir aan Waynayn oo Laga Dareemay Somaliland
Hargays(MMedia) Dhul-gariir xooggan ayaa xalay laga dareemay magaalooyinka Borama, Gabiley iyo Hargeisa, kaas oo cabsi ku abuuray dadka ku dhaqan magaalooyinkaas.
Dhul-gariirkan oo isku wakhti ka dhacay magaalooyinka Borama, Gabiley iyo Hargeisa, ayaa bilowday abbaaro 2:25am habeenimo saacadda Afrikada bari, isla markaana socday muddo ilbidhiqsiyo ah. Dhul-gariirkan ka dhacay Borama oo ilaa gelinkii hore ee maanta guuxiisu ka socday magaalada Borama, ayaa keenay in dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi ay dibedda uga soo wada baxaan Guryaha, maadaama uu dhul-gariirka ka dhacay Borama ka xoogganaa kuwa ka dhacay magaalooyinka kale. “Guryaha waanu ka soo baxnay, sababtoo ah, waxaanu ka cabsi-qabnay inay nagu dumaan,” sidaa waxa yidhi Axmed Allaale oo ka mid ah dadka ku dhaqan Borama oo Khadka Telefoonka ugu waramay HOL, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Xitaa saaka wuu socdaa, waxaananu ka cabsi qabnaa in marka xooggiisa la eego, haddii uu sii socdo muddo ka badan intan, in uu sababo khasaare badan,”
Dhul-gariirka ka dhacay magaalada Hargeisa, ayaa inkasta oo laga wada dareemay magaalada, haddana ku kala xoogganaa degmooyinka Hargeisa. Isaga oo inta badan xooggiisa laga dareemay Xaafadaha galbeedka iyo badhtamaha magaalada. Walow aanay dadweynuhu dibedda u soo bixin, sida Borama, haddana inta badan dadweynuhu waxay cabsi ka muujiyeen dhul-gariirka noocan ah oo aan caadiyan looga baran Hargeisa. Inkasta oo aanay jirin khasaare ka dhashay inta la og yahay, haddana Dhul-gariirkani wuxuu inta badan saameeyay Jiingadaha saaran Guryaha.
Magaalada Borama ayaa caadiyan hore looga dareemay Dhul-gariiryo noocan ah, hase ahaatee, magaalada Hargeisa ayaanay dadku u baran in ay dareemaan dhul-gariirka noocan ah, waxaanay dadka qaarkood rumaysan yihiin in Dhul-gariirkan ka dhacay Hargeisa iyo Gabiley uu yahay midka ka dhacay Borama oo saamayn ku yeeshay magaalooyinkan.
Maakhir Media Hargaysa
