Xiisad Dagaal oo Ka Taagan Jubooyinka
Muqdisho(MMedia) Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xiisado dagala iyo diyaar garow ciidan saacadihii u dambeeyay laga dareemay Gobolkaas, kadib markii Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo dhowaan tababar loogu soo xiray degmada Dhoobley ay u soo dhaqaaqeen dhinaca Afmadow.
Sida wararku sheegayaan dhaq dhaqaaqyada Ciidan ayaa ah kuwo labada dhinacba aad looga dareemay, iyadoo Magaalada Kismaayo xarunta Gobolka Jubada Hoose abaabulka ugu ballaaran uu ka socdo.
Gawaari Cod-baahiyeyaal lagu rakibay ayaa dadka waxaa loogu baaqayay inay dagaalada ka qeyb galaan, Saraakiisha Shabaab oo ka hadlayay Masaajidada Magaalada Kismaayo ayaa waxay ku baaqeen dagaal ka dhan ah Ciidamada Dowladda ee ku sugan Jubada Hoose.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan degmada Afmadow ay bilaabeen barakac, kadib markii ay dareemeen saameynta dhaq dhaqaaqyada ciidan ee soconaya iyo diyaar garowga Shabaab wadaan si ay uga hortagaan weerarada ku soo wajahan.
Xiisadaha xilligan ka jira Jubooyinka ayaa waxay yihiin kuwo dhalin kara dagaalo lagu hoobto oo mar kale deegaanadaas ka dhaca, iyadoo Saraakiisha Dowladda ay ku goodiyeen inay dagaalo ku qaadayaan deegaanada Shabaab maamulaan.
Maakhir Media Muqdisho
