|

Badmaaxin u dhashay dalka Thailand oo puntland lagu soo wareejiyay kadib markii ay degtay Doonti ay burcadu haysatay.

Garowe-(MMedia)-Waxaa habeenimadii xalay magaalada Garowe soo gaadhay Badmaaxin u dhashay  dalka Thailand kuwaasi oo ay mudo burcadu ku haysatay Garacad iyadoo ay  ahaayen kuwa kaluumaysata sida ay iyagu shegeen iyadoo ay burcaduna afduubatay bishii April  8 sanadkii tagay ee 2011.

Nimanka badmaaxinta ah ee lagu soo wareejiyay Saraakisha puntland oo uu hogaamina Agaasimaha  la dagaalanka Burcad badeeda Abdirisaaq Ducaysane  kadibna loo yeedhay warbaahinta isagoo agaasimahu uu akhriyay habkii loo soo qabtay nimankan  gaadhayay 14 nin doonta ay wateena  lagu magacaabay Bataley 12.

Agaasimaha oo saxaafada la hadlaya ayaa yidhi“waxaa degtay doontii ay haysteen  lama garanayo sababaha ay doontaasi u degtay  kadibna ay shaqaalihii ay banaanka la yimaadeen iyagoo bedqaba laakin ay ka maqan yihiin lix dhintay iyo 5 ay haystaan buracu ,waxaan la xidhiidhinay odayasha dhaqanka deegaanka iyo waxgaradka inay  hawshaasi galaan kadiban waa ay ku guulaysteen  oo waa kuwan iminka nala jooga

Doontan oo lagu haysatay Eyl kadib markii laga nadiifiyay  Burcada ay kula wareegeen magaalada Garacad  kadibna ay mudo halkaasi ku hayteen iyadoo marki danbena degtay doontu bishii la soo dhafay ee July  ,Shaqaalaha doonta degtay saarnaa ayaa haa gabi ahaanba 25 nin iyadoo ay iminka bad qabaan 14 nin halka ay lixna dhimatay  5 ay haystaan Burcadu.

Agaasimaha oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in nimanka dhintay ay u dhintaeen xanuuno darti sidoo kale waxa uu  ugu baaqay  burcada haysta shaqaalihii markabka inay sii daayaan si sharuud la’aan ah .

Doontan ay haysteen burcadu ayaa ku degtay  magaalada Garacad  kadib markii ay mudo halkaasi ku haysteen iyagoo doonta qabsaday bishii April 8 2010 markaasina ku haystay  Magaalada Eyl kadibna ula wateegay magaalada Garacad taasi oo ay ciidanka amaanka ay halkaasi la wareegeen.

Burcada ayaa inta badan afduunta maraakibta shisheeye ee Gooshaya xeebaha somaaliya iyagoo markii ay qabsadaana ka qaata  madax fursho gaadhaysa ilaa malaayin dollar taasi oo ay qayb sadaan marki ay qaatan kadibna kusoo gala magaalooyinka waawayn ee puntland iyagoo sameeya wax ka baxsan diinta iyo dhaqanka somaaliyeed .

Abdirisaak Maxamed Siciid Shabcaan

Maakhir Media Garowe.

Webmaster@maakhir.net

Comments are closed