Xaflad Lagu xusayay Sanad Guradii 13aad ee Asaaskii Puntland oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Garowe (Sawiro).
Garowe-(MMedia)-Xaflad balaadhana yaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Garowo taasi oo lagu xusayay munaasbada sanad guuradii 13aad ee Asaaskii puntland iyadoo ay ka soo qayb galeen marti badan oo kala duwan oo ugu horeeyo madaxwaynaha puntland c/raxmaan maxamed faroole iyo kuxigeenkiisa sidoo kale waxa joogay gudoomiyaha Baarlamanka puntland iyo xildhibaano wasiiro iyo qaar ka tirsan haayadaha caaliga ah ee QM iyo shacab badan oo lagu macsuumay xaflada fanaanintuna kama ay maqnayn iyo waliba saxaafadu.
Xafaladan oo ay soo qaban qaabiyeen gudigii qaban qaabada sanad guurada oo ay ugu horayso marwo caasho geele diiriye iyadoo si aada loo habeeyay goobta ay xafladu ka dhacayso waxaan ka wada muuqday calanka puntland iyo calanka somaliya .
Xaflada waxaa xiriirinayay wasiirka Warfaafinta puntland Mr Askar oo si wanaagsan u soo dhawaynayay dadka uu ugu yeedhayay qudbada isagoo hadba mowjad u saarayay iyodoo aanay ka maqnayn madadaaladu .
Munaasabada ayaa bilaabatay kadib markii uu soo fadhiistay madaxwaynaha puntland iyadoo ay ciidamada daraawishta ay salaanta ka qaateen madaxwayna iyaga iyo baanbooyda ,waxaa intaasi kadib bilaabatay xafladii iyadoo loo guda galay qudbadihii kala duwanaa ay soo jeedinayeen hadba masuulkii loo yeeshayay.
Ugu horeen waxaa lagu furay Aayadaha quraanka kariimka ah kadibna waxaa lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gudiga Qaban qaabada Sanad Guurada puntlan Marwo caasha geele diiriye iyadoo qudbad dhinacyo badan tabanaysa kasoo jeedisay goobta sidoo kalena ay ka sheekaysay sida ay wax ugu hir galeen iyado amaan u so jeedisay dhamaan cidi ka qayb qaadatay qaban qaabada xaflada.
Kadib waxaa maaweelo iyo madadaalo usoo badhnigay fanaaniintii goobta joogtay iyagoo ay ku heesayeen heeso wadani ah sidoo kalen ay kala ahaayen fanaaniin ciidan ah sida Daraawishta,police-ka iyo kuwa kale oo iyana ahaa fanaaniin ka yimi dalka jabuuti waxay sidoo kale dhaqaajiyeen dareenka dadka oo ay ku luuqaynayeen heeso wadani ah oo kala duwan ,kama aysan maqnayn riwaayadii dadka oo dhan ka qoslisay taasi oo ahayd in ciidanku uu yahay laf dhabarta dawlada .
Xaflada yaa si aada u socotay iyadoo ay hadba qudbad lagu soo dhaweynayay masuuliyiintii kasoo qayb gashay xaflada waxana sidoo kale halkaasi qudbad kas oo jeediyay masuul sare oo ka tirsan haayada UNDP isagoo hanbalyo usoo idiray maamulka puntland.
Kadib waxaa lasoo gaadhay gaba gabada xaflada iyadoo gudoomiyaha baarlamanka loo yedhay si uu ugu yeedhe madaxwyanaha kadibna u soo xidho ,guudoomiyaha ayaa isoo tagay kadibna qudbad waana ah ka soo jeediyay goobta isagoo reer puntland kula dardaarmay inay amaanka ilaaliyaan iskana qabtaan wixii naftooda iyo amaankooda wax u dhimaya.
Kaidb waxaa lagu soo dhaweeyay madaxwyanaha isagoo halkaasina kasoo jeediyay qudbad dheer oo uu dhinacyo badan kaga hadlay waxana ka mid ahaa abaaraha Amaanka iyo horumarka isagoo sidoo kalena madaxwaynuhu amaanay dadkii soo qabanqaabiyay xaflada oo ay ugu horayso marwo caasha geele diiriye ,madaxwaynuhu sidoo kale waxa uu ka shekeeyay waxqabadkii dawalada iyo caqabadiihii ay lasoo kulmeen iyo waxa horyaala sidoo kale waxaana uu sheegay in ay puntland markasta u taagan tahay horumarka iyadoo uu sheegay in ay jiraan waxyaalo iska yar yar balse aanay markasataba wax u dhimayn jiritaanka iyo midnimada puntland ,
Sikastaba ha ahatee waxay ahayd xaflad aad u balaadhan oo si wayn loso agaasimay iyadoo ay ahayd mid ay isugu yimaadeen dad badan oo ka kala yimi debeda iyo dalkaba waxana ay ahayd mid dhamaanba dadkii joogay ay qiira galisay, xafaladan sanad guurada lagu xusayay ayaa ahayd tii ugu waynayd ee ka dhacda abid puntland.
Abdirisaak Shabcaan
Maakhir Media Garowe.
