|

Qarax ka dhacay Garowe oo Sababay dhimasho iyo dhawac.

Garowe-(MMedia)-Qarax ka dhacay goor dhawayd magaalada Garowe ee caasimada puntland kaasi oo sababay dhimasho hal ruux halka laba kalena ay ku dhawacmeen iyadoo ay xaqijiyeen laamaha amaanka.

qaraxan ayaa ka dhacay goob ku dhow wadada isgooska ah ee uu ku  yaalo hotelka wayne ee Bulsho  ,Bambka qasaaraha gaysatay ayaa ah mid nooca gacanta laga tuuraha sida ay sheegeen lamaha amaanka oo baadhitraano kawada goobta uu qaraxu ka dhacay .

kadib markii uu qaraxu dhacay waxa agoobta soo gaadhay saraakisha ciidanka amaanka puntland  iyag0o gabi ahaanba isku gedaamay goobtii qaraxu ka dhacay waxaana ay halkaasi ka wadaan sida ay wax u dheceen  iyagoo saraakishu ka gaabsaday inay ka hadlaan qaraxa  goobta ka dhacay balse ay ku raad joogaan.

hadaba wixii war ah ee ka soo baxa laamaha dawlada waan idiin soo gudbindoona wararkayaga kale

Maakhir Media Garowe

Comments are closed