|

Siyaasi Cali Cabdi Awaare Oo Baaq Nabadeed U diray labada Beelood Ee ku Dagaalamay Gobolka Bari

Bosaso-(MMedia)-dhawanahan waxaa baaqyo kala duwan ka soo baxayeen dhamaan shacabka Puntland oo ku aadan in la hakiyo falalka wada daganashaha wax yeelenaya ee wadaan laba beelood oo wada daga gobolka Bari.

Mid ka mid ah siyaasinta ugu magaca dheer Puntland Cali cabdi awaare ayaa ka hadlay dhibta dhex martay laba beelod ee wada daga gobolkan Bari.

Awaare ayaa marka hore ugu baaxay labada dhinac in ay dajiyaan xaalada isla markaasina Beesha gacanta ku danbeysay u samirto beesha kale, arintaasi oo ku tilmaamay Mudane awaare in xalku ka dhow yahay.

sidoo kale Waxaa uu ku booriyay labada dhinac in gacanta dawlada Lagu wareejiyo cid walba oo dhiig gasha taasi oo xalku ku jiro,balse aan loo baahneen in gacan ku dhiiglaha la qariyo.

Siyaasi Cali cabdi Awaare ayaa sheegay in uusan jireen ganacsi iyo isdhexgal bulsho hadii aan la joojin dilalka Aanoyinka Qabiilka ee muddada 3-sano ka dhex jira beelaha walalaha ah ee wada daga Gobolka Bari.

maaha oo kaliya siyaasi Awaare dadka ka hadlay dhibaatada dhex taala labadan beelood waxaa sidoo kale arintani si weyn uga hadlay Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Muddan oo sheegay in dawlada Puntland hada wixii ka danbeya ay Baacsan doonto gacan ku dhiiglaha ay ku cadaato in uu dil geystay.

Wasiirka ayaa sheegay in xalka uu ku jiro in laga hortago cid kasta oo ku dhaqaaqi rabta dil ay ku aaneysaneyso walaalaha kale ee isku diigeenka yihiin.

Dawlada Puntland ayaa ciidamo Geysay deeganada beelaha xudunta u ah halkaasi oo haatan ay ciidamda amnigeeda sugayaan isla markaasina wali aanay ka dhicin wax rabsho ah.

Shirdoon Axmed Shirdoon

Maakhir Media Xafiiska Bosaso

Comments are closed