|

13 Guuradii Puntland oo saaka laga xusay Caasimada Puntland Ee Garowe +(Dhegayso,Sawiro)

Play

Garowe-(MMedia)-Munaasabad aad u balaadhan oo ka dhacday magaalada Garowe ee caasimada puntland iyadoo ay ahayd sanad guuradii 13aad ee kasoo wareegatay asaaskii puntland  waxaan sidoo kale munaasabadani ahayd mid aad loogu diyaar garoobay iyadoo ay soo qaban qaabisay  wasiirada  haweenka iyo qoysa marwo caasha geele diiriye .

Sanad guuradan ayaa  waxay aad uga duwan tahay  kuwii hore iyadoo ay dhamaan dadka reer gaoowe ay aad ugu diyaar gaoobeen waxayna aad ugu farax sanaayeen sida ay  u dabaal dagayaan ,fagaaraha lagu qabanayay munasabada ayaa ahaa  meel aad u balaadhan oo lagu magacaabo Barxada garowe  ee aras magaalaha magaalada .

waxaa munaasabada goob joog ka ahaa  madaxwaynaha puntland Dr c/raxmaan shiikh maxamed faroole iyo gudoomiyha baarlamka puntland ,iyo sidoo kale Madaxwayne ku xigeenka puntland  iyo dhamaan xildhibaanada baarlamanka iyo wasiiraada ,kadibna waxaa la uda galay sdii ay u dhici lahayd munaasbada sanad guurada iyodoo ay ka qayb qaadanayaan oo ay marayaan  laamiga dheer dad badan oo kala ah shaqalaaha dawalada ,Ardayda jamacadaha iskuulada sare dhexe ,arimaha bulshada barakacayaasha ,xaafadaha ,barakacayasha ,iyo ciidamada kala gadisan ee puntland sido Bada,kuwa qalabka sida Poliska-,SPU iyo Gadiidka ciidanka .

kadib waxaa goobta soo gaadhay madaxwayanaha oo kasoo lugeeyay ilaa madaxtooyada shacabkana salaan la soo dhexmaray kadibna usoo gudbay goobta munaasbada uu salaanta kaga qaadan lahaa ciidamada iyo shacabka maraya Goobta  munaasabda  .

Kadib waxaa bilabatay  xafaladii iyadoo ugu horayn uu halkaasi salaan ku bixiyay Taliyaha ciidanka daraawishta puntland kadibana ay  soo mareen dhamaan dadkii kala gadisanaa  oo ay ugu horeeyaan faradaha lagu yaqaano dalka  iyo motooyinka iyo ciidanka Baanboyda oo iyagu garaacayay durbaanka kala duwan ee ay ciidanku ku marayaa.

Kadib waxaa iyana maray goobta  haweenka puntland oo wata hidaha iyo dhaqan koodii iyo xaafadaha kala duwan ee Garowe iyo  kooxa ciyaaraha kala dawan ee caasimada iyo dalka oo dhan sidoo kale waxa aku higay hablo ku labisan hidihii iyo dhaqankii somaalida ,sidoo kale waxaa iyana halkaasi maray ardayda jaamacadaha iyo iskuulada sare dhexe iyo hoose sidoo kale shaqaalaha dawlada ayaan goobta ka maqnayn waxaa iyana  cayaaro cajiiiba soo bandhigay  dadka Barakacayaasha ah oo markii ay  soo gadheen goobta sacab lagu soo dhaweeyay sidoo kalena waxaa  wasiirada Haweenka  ay sheegtay in dadka barakacayaasha ahi ay  kamid yihiin ciidanka shacabka .

kadib waxa la gaadhay xiligii ay soo mari lahaayeen ciidanka kala gadisan ee puntland iyadoo ay  soo gadheen goobta ay salaanta kaga qaadanayeen ciidamadu madaxwaynaha ,ciidamada marayay munaasbada ayaa kala ahaa  ciidanka Bada.kuwa qalabka sida /Police-ka iyo Spu iyo sidoo kale Kamaandoosta. kadibana waxaa ka sii danbeeyay  Gaadiidka ciidanka dawalada.

Munaasabadan aadka losoo habeeyay  ayaa ahayd tii ugu waynayd ee soo marta puntland iyadoo ay ka duwan tahay kuwii ka dhici jiray puntland sidoo  kalena waxaa ay ahayd mid ay  midaysan  yihiin ciidanka iyo ciidanka oo wata dharka qaybaheeda kala gadisan sida milatariga Police-ka iyagoo aad moodaysid ama aad xasuusanasid ciidamda dalka somaaliyeed  ee dawaladii dhexe ee somaaliya .

Maanta qofkii joogay goobta munaasbada waxa uu xasuusan karaa hadii uu xiligaasi joogay ama uu daawaday dawaldii dhexe ee somaaliya waxaad xasuusanaysaa  sida ay dhaqanka dawaladnima ama dhisitaanka dawaldu tahay waxa uu qof walba dareemayaa  dawaladnimadu waxay ay tahay.

caasha geele oo ah guumiyha qaban qabadan xafaladan ayaa sid aada iyadu goobta uga hadashay kadibna ay xidhiidhinaysay munaasbada iyadoo dadka kala baraysay   cutubyada maraya gooobta iyadoo ay sheegtay in dadka puntland ay u baahan yihiin  jiritaanka  puntland saa dateed ay maanta tahay maalin ku wayn  dadka iyo dalka reer puntland.

Munaasabadan oo ahayd mid aad u balaadhan oo ay shacabadan kala socdeen  Daafaha aduunyad iyo faaaraha goobta ay munaasbada sanad guurada 13aad ka dhacayso iyagoo damashada iyo sacab  ku tageeraya  ciidanka iyo dadka goobta maraya .

Gaba gabdii xaflada ayaa madaxwaynaha  uu sheegay isaoo lagu soo dhaweeyay goobta munaasbada kadib markii ay dhamadeen ciidamada  iyo bulshadii kala duwanayd ee goobta marayay waxa uu taabtay madaxwaynuhu  in ay maanta farxad tahay  horumarna aynu gaadhnay sidoo kalena ay  tahay maalin ramadaana  maantana tahay kowda ogos sanad guuradii 13aad  waxaa kaloo uu madaxwaynu goobta uga duceeyay dadka ay abaaruhu hayaan iyo dadkii  soo qaban qaabiyay  munaasbada sanad guurada  taasi oo ay ugu horaysom marwo Caasho geele diiriye ,

Sikasataba munaasabdan oo ahayd mid ka duwan munaasabadihii kala duwanaa ee ka dhacay dalka iyadoo ay waliba tani dheertahay iyadoo lasoo bandhigay gaadiidka ciidanka iyo dhamaan ciidamada oo wata dharkoodii u gaarka ahaa mid walaba waxaana ay sdioo kale bulshada aad ka dareemaysay  farxad iyo damashaad aad la soo koobi karin iyagoo dadka qaar ayba ooyayaan  iyagoo ay ku shegeyaan inay xasuusteen dawaladnimadu waxay maanta tahay iyo  Horumarka ay ku talaabsatay puntland.

 
 
 
 

 

Abdirisaak Shabcaan

Maakhir Media Garowe

Comments are closed