|

Ciidamda DKMFS oo Guud Ahaan La Wareegay Suuqa Bakaaraha

Muqdisho(MMedia) Taliyaha guutada labaad ee madaxtooyada qaranka G/sare C/laahi Cali Caanood oo goor la hadlay idaacadda qaranka ayaa sheegay in howglka uu ka socdo jihooyin kala duwan waxaana ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay guddaha u galeen suuqa Bakaaraha, isagoo intaa ku daray in ciidamada ay isticmaalayaan istaraajiyad dagaal oo cusu.

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamo illaaliya ammaanka suuqa ay ku daadiyeen Guddaha suuqa Bakaara, waxa uu xusay in ciidamada gaar ah ay haatan jooggaan xarunta Dhahabshiil, masaajidka Abuu Hureyra iyo meelo kale oo ay ka mid tahay isgoyska Cali Kamiin Xamar Jadiid hadan ay ku sii siqayaan gobo hor leh.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Dowladda oo ay wehliyaan Taangiyada AMISOM ayaa ku dhaqaaqay goobo hor leh oo ay ku sugnaayeen Xoogaga ka soo horjeeda ee AMISOM, sida Saraakiisha Dowladda ay saxaafada u sheegeen.

Ciidamada Dowladda ayaa cagta saaray wadada Sodonka iyo qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid oo ay gudaha ugu jiraan, sida Isgoyska Towfiiq, Suuq Bacaad iyo Laanta Suuq Bacaad.

G/sare C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay ka qabsadeen fariisimo muhiim ah, isla markaana dagaalka uu sii socdo.

“Saaka abaarihii 5:30 ayuu howl galka bilowday, anagoo fulineyna awaamiirta Madaxweynaha, waxay Ciidamada ku dhaqaaqeen wadadii Jeneraal daa’uud, Xararyaale, waxay Ciidamada joogaan Baar Ayaan, Xamar Bile, isgoyska Cali Kamiin, Suuq Bacaad ilaa Towfiiq”ayuu yiri Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada.

Mar uu ka hadlay qasaaraha dagaalka dhankooda ka soo gaaray ayuu sheegay in labo askari ka dhimatay, halka dhanka Shabaab ay ka dileen 15-askari, labo dagaalyahan ay dhaawacyo ku qabteen.

Ciidamada Dowladda ayaa kaabiga ku haya Garoonka Stadium Muqdisho oo ay ku dhow yihiin, sidoo kale waxaa ay ku dhow yihiin Xaruntii Xisbiga, waxaana dagaalka xoogiisa ka socdaa wadada aada dhanka Isbartiibada.

Ilaa iyo hada waxaa magaalada laga maqlayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana qorshaha dagaalka uu u muuqdaa mid Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku doonayaan inay saldhigyo muhiim ah kula wareegaan.

Dhinaca kale dagaalkii saaka ee iyana ka socday deegaanada Waqooyiga Muqdisho sida C/casiis iyo Shibis ayaanu jirin war laga helay ilaa iyo hada, inkastoo wali laga maqlayo hugunka madaafiicda noocyadooda kala duwan

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed