Wasiirka Dalxiiska iyo Horumarinta Deegaanka Soomaaliland Prof. Maxamuud Siciid Gacamay oo shil gaari ku dhaawacmay
Dhahar(MMedia) Wasiirka Dalxiiska iyo Horumarinta Deganka ee Somaliland Mudane Maxamuud Siciid Madaxey (Gacamay) ayaa shil gaari ku dhaawacmay meel 170Km u jirta magaalada Ceerigaabo, xilli uu safar ugu soo jiray si uu usoo booqdo degmada Dhahar.
Wasiirka ayaa xaladiisa caafimaad haatan ay kasoo raynaysaa iyada oo dhaawacu ahaa mid kasoo gaaray madaxa, oo ay sababtay muraayada hore ee gaari oo dhaawacaasi ka danbaysay. Waxaana ku weheliyay dhaawaca wasiirka, dhaawacyada Darewalka iyo mid kamid ah ilaalada Wasiirka oo lagu magacaabo Carab Gurey Warsame.
Col. Caydiid Axmed Nuur oo ka mid ahaa wafidaga Wasiirka ayaa SPR uga warbixiyay sida uu shilka U dhacay.Wafdigan ayaa ahaa mid aad usareeya oo loo soo diray gobolka Sanaag waxaana hogaaminayay Wasiirka Dhaawacmay Mudane Gacamay iyo Taliyaha ciidamada aaga Sanaag Col. Muuse Jaamac waxana ay safarkoodu maalinimadii shalay kasoo bilaabmay magaalada Ceerigaabo. Intuusana Wafdigu halkaasi kasoo ambabaxin waxaa uga waramay Safarkooda Mudane Maxamuud Siciid Gacamay oo u hadlay Sidan Guji
Xigasho:SPR
